Qarax weyn oo goordhow ka dhacay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Muqdisho (Caasimada Online) Sidda uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee magaalada Muqdisho, qarax xooggan ayaa goordhow wuxuu ka dhacay afaafka horre ee garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Wararka hordhaca ah ee na soo gaaray ayaa sheegaya in qaraxa uu geestay khasaaro naf iyo maal ah, balse ma cadda inta uu la egyahay.

Waxaa goobta gaaray ciidamada ammaanka iyo baabuurta gurmadka degdega ah.

Faah-Faahin kala soco Caasimada Online