HRW: “Kufsiga wax caadi ah ayuu ka yahay magaalada MUQDISHO”

Nairobi (Caasimada Online) Warbixin ay maanta soo saarayso hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human
Rights Watch ayaa waxa ay uga hadashay xadgudubyada dhanka galmada ee ka dhacay magaalada Muqdisho tan iyo sanadkii 2012-kii.

Warbixintan oo laba iyo toddobaatan bog ka kooban, ayaa ayaa ciwaan looga dhigay “Halkan Kufsiga Caaddi ayuu ka yahay”.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in sannadkii la soo dhaafay uu aad kordhay falalka kufsiga gaar ahaan kuwa loo geesto dumarka ku nool goobaha lagu soo barakacay sidda lagu sheegay warbixinta Human Rights Watch.

HRW ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqday in si degdeg ah loo joojiyo falalkaas isla markaana la sameeyo ciidamo boolis oo wax ka qabta falalkaas.

Warbixinta waxaa kaloo ay sheegtay in la sameeyo hannaan ay dumarka loo geesto falalka kufsiga ay ku soo bandhigi karan dhibaatooyinka loo geesto.

Warbixinta waxaa kaloo ay muujisay in aanu jirin xarumo caafimaad oo ay tagi karaan dumarka la kufsado ee ku nool caasimada Muqdisho.

Si kastaba, wasiirka haweenka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo la hadashay BBC-da ayaa sheegtay in ay wax ka qaban doonto falalka kufsiga ee ka dhacay Caasimada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com