S/Land: Xamar iyo Garoowe waxaa ka socda wax dhibaato horseedi doona

Hargeysa (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Soomaaliland Eng Faysal Cali Waraabe ayaa Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland wuxuu uga digay in Soomaaliya ay dhibaato uhorseedaan.

Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in waxyaabaha ka socda Magaalada Garoowe iyo Muqdisho ay yihiin wax dhibaato uhorseedi kara dalka Soomaaliya, sidaasi awgeedna laga rabo Maamulka Garoowe iyo Dowladda Xasan Sheekh inay arimahaasi ka waantoobaan.

“C/wali iyo Dowladda Xamar Soomaaliya dhibaato ha ukeeninana Soomaaliya dhibaato ha ukeeninan waa iga dardaaran aniga intaas ayaan Siyaasad ku jiray, waxaan socda ee garoowe iyo Xamar ka socda waxaan idin leeyahay Soomaaliya dhibaato ha gelinana”Ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka Soomaaliland ayaa dhanka kale sheegay inay wanaagsan tahay ka dignoontaada dhibaato Soomaaliya ka dhalata, mana uusan sheegin Faysal Cali Waraabe waxyaabaha keeni kara dhibaatada ee Muqdisho iyo Garoowe ka socda.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com