Maamulka Banaadir oo ka warbixiyay wixii xaley Muqdisho ka dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) Maamulka Gobalka Banaadir ayaa ka warbixiyay madaafiic xaley ruxay magaalada Muqdisho.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka Warsame Maxamed Xasan (Warsame Joodax) ayaa sheegay in madaafiicda xaley magaalada lagu garaacay ay ahaayeen kuwa macmal ah oo bug ah sidda uu yiri.

Wuxuu sheegay in wax khasaaro ah aan ka dhalan marka laga reebo in looga gun lahaa khalkhalinta shacabka.

Si kastaba, in ka badan 20-hoobiyaal ah ayaa lagu garaacay xaley qaybo ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho.

Goobaha sidda weyn madaafiicda ay ugu dhaceyn waxaa ka mid ah degmooyinka Xamarweyne, Wardhiigleey, Shangaani, Hodan iyo Yaaqshid.

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa saakay deggan,waxaana caaddi ah isku socodka dadka iyo gaadidka.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay madaafiicda xaley lagu garacaay degmooyinka magaalada Muqidsho.

Dhinaca kale, gurri uu ku lee yahay degmada Yaaqshid mid ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka ayaa loogu xiray miino, waxaana la sheegay gurriga in uu burburay in kastoo ay joogeen xilligaas reerkiisa.

Ilaa hadda ma cadda kooxaha madaafiicda magaalada ku soo tuura habeenkii, dowladdana waxa ay lee dahay waa kuwa doonaya in ay khalkhaliyaan ammaanka magaalada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com