25.1 C
Mogadishu
Sunday, July 13, 2025

Xog dheeri ah oo la xiriirta dhaawaca guddoomiye ku xigeenka gobolka…!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Shabakadda Caasimada Online, ayaa ogaatay guddoomiye ku xigeenkii Amniga gobolka Shabeellada Hoose, Axmed Cumar Maxamed (Mudane) oo maanta ku dhaawacmay qarax miino oo loogu xiray baabuur uu watay in dhaawaciisa loo qaaday Isbitaalka AMISOM ee Xalane.

Mudane oo dhaawaciisa markii horre loo qaaday Isbitaalka Madiina ayaa waxaa laga jaray lugta midig oo uu si xun ugu dhaawacmay.

Xaaladiisa waxaa lagu sheegay mid ka soo roonaaneysa siddii ay ahayd markii uu dhaawacmay balse waxaa hubaal in uu soo gaaray dhaawac culus.

Mas’uulkan ayaa la sheegay in baabuurkiisa loogu xiray qaraxa uu ku dhaawacmay, waxaana socda baaritaan lagu ogaanaayo sidda loogu xiray.

Lama ogga cidda ka dambeysa Qaraxa lagu weerarray guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka gobalka Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News