Laba ka mid ah raggii madaxweynaha Jubaland sheegtay oo tagay Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in halkaas maanta ay gaareen labo mid ah raggii sheegtay madaxweynayaasha maamulka Jubba, kuwaasoo ka soo horjeeday Axmed Madoobe oo ah hoggaamiyaha KMG ah ee Jubba.

Ragga tagay Kisamayo oo kala ah Iftiin Xassan Baasto iyo Cabdi Baalley ay markii ay ka dageen garoonka diyaaradaha Kismaahyo waxaa halkaas ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan aana ay kulamo maamulka KMG ah ee Jubba.

Waxaa kaloo mas’uuliyiintan ay isku xulafo ahayaeen Barre Aadan Shire Hiiraale oo magaalada Kismaayo laga saaray markii dagaallo xooggan ay ka dhaceen bishii lixaad sannadkii horre.

2014210635276249571982808P1040673

Laban nin ayaa markii laga saaray Kismaayo waxa ay tageen magaalada Muqdisho, halkaasoo ay ka sii wadeen dhaliilaha ay u soo jeedinayaan Axmed Madoobe.

Iftiin Xassan Baasto oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu yimaado magaalada kismaayo isagoona intaas ku daray in uu kulamo la qaadan doon mas’uuliyiinta maamulka KMG ah ee Jubba.

Dhinaca kale, Magaalada Kismaayo waxaa maanta ku soo laabtay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo tan iyo Jimcihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho isagoona ka qaybgalay aaskii loo sameeyay AUN ra’iisal wasaarahii horre ee Soomaaliya, Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.

Axmed Madoobe oo isla socdeen Iftiin Xasan Baasto  iyo Cabdi Baaleey Xuseen ayaa sheegay in raggan uu u socday wadahadallo lagu doonayay in ay dib u midoobaan, wuxuuna tilmaamay in uu ku faraxsan yahay in ay ka soo laabteen qaladkii ay aamisanaayeen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

Caasimada@live.com