DEG DEG: Qaraxii labaad oo galabta ka dhacay hotel ku yaalla MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) Qarixii labaad ayaa goordhaweyd wuxuu ka dhacay Hotelka Oriyental ee ku yaalla degmada Shibis ee magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhaawacmay qaraxa ka dhacay Hotelka Oriyental oo xilliga uu ka socday shir ay lahaayeen maamulka gobalka Banaadir, guddoomiyaasha degmooyinka iyo laamaha ammaanka.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho iyo Booliska ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiinta ku shiraysay hotelka uu ka dhacay qaraxa.

Xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa si weyn looga maqlay qaraxyda galabta ka dhacay degmada Shibib, waxaana goobta gaaray ciidamo fara badan sidda uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee magaalada Muqidsho.

Ma jirto cid ka hadashay qaraxa galabta ka dhacay degmada Shibis ee magaalada Muqdisho, balse qaraxan ayaa ku soo beegmayaa iyadoo maanta duhurkii qarax kale oo ka dhacay waddada mashquulka badan ee KM4 uu ku dhaawacmay guddoomiye ku xigeenka ammaanka gobalka Shabellaha Hoose, Axmed Cumar Imaan Mudane.

Ma jirto cid sheegatay qaraxyada maanta iyo galabta ka dhacay magaalada Muqdisho oo inta badan ay gacanta ku heyso dowladda Soomaaliy

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com