Sawirro: Muqdisho: Qarax dhaawacay gudoomiye ku xigeenkii gobolka…..!

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta duhurkii ka dhacay qarax nooca miinada, kaasoo lagu weerarray baabuur uu la socday guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka gobalka Shabeellaha Hoose.

Qaraxa oo ka dhacay meel ku dhow isgoyska mashquulka badan ee KM4, ayaa waxaa ku dhaawacmay guddoomiye ku xigeenka Cumar Axmed Mudane iyo darawalkiisa kuwaasoo la socday baabuur ay wateen, dabadeedna waxaa goobta gaaray ciidamada ammaanka.

Wariyaha Caasimada Online ee Muqdisho oo iska goobta gaaray ayaa soo sheegaya in uu arkay burburka baabuurka uu watay sarkaalka lagu weerarray qaraxaas, waxaa kaloo goobta daadsanaa hilbo iyo dhiib badan.

Sarkaalka weerarrka lagu qaaday oo lagu magacaabo Axmed Cumar Mudane ayaa la sheegay in uu si xun u dhaawacmay, waxaana loo qaaday Isbitaal.

Waxaana wararkii ugu dambeeyay ay lee yihiin waxaa laga jaray lugta midig sidda uu saxaafadda u sheegay qof ehliisa oo kula sugan Isbitaalka.

Daqiiqado ayaa waxaa hakad galay isku socodka dadka iyo gaadidka, balse markii dambe waa la fasaxay.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ku xirnaa baabuurka uu watay sarkaalka weerarrka lagu qaaday.

Waddada uu ka dhacay qaraxa waa mid ka mid ah waddooyinka ugu mashquulka badan magaalada Muqdisho.

Ma jirto ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay hey’addaha ammaanka, in kastoo goobta uu soo gaaray wasiir ku xigeenka amniga Ibraahim Yarow Xuseen.

Sidoo kale ma jirto koox sheegtay qaraxa uu ku dhaawacmay guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka gobalka Shabeellaha Hoose.

qarax1qarax2qarax3

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com