28.7 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Dhaawaca R/W ku xigeenka Somalia oo Xamar laga dhoofiyey loona qaaday….

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka Somaliya Maxamed Cumar Carte, ayaa waxaa maanta dhaawaciisa loo qaaday Magaalada Ankara ee Xarunta Wadanka Turkiga.

Diyaaradda Turkish Airways, ayaa Garoonka Aadan Cadde ka duulisay Maxamed Cumar Carte iyo qaar ka mid ah eheladiisa, si ay ula socdaan xaaladiisa caafimaadeed.

Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka, ayaa shalay labada lugood kaga dhaawacmay weerarkii qorsheysnaa ee ka dhacay Masaajidka ku dhex yaala Central Hotel ee Degmada Xamar Weyne.

Sarkaal ka tirsan Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, ayaa bogga Twitter-ka ku sheegay in Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka caafimaad dibadeed loogu qaaday Turkiga.

Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka, ayaa waxaa la xaqiijiyay in uu ku argagaxay daryankii xooganaa ee ka dhashay, qaraxyadii shalay lagu weeraray Central Hotel, oo ku dhow Madaxtooyada Somaliya.

Goobjoogayaal, ayaa waxay sheegeen in masuuliyiintii Dowladda ee ku sugnaa Hotelka Central, ay shook ka qaadeen weerarka qaraxyada, marka laga soo taggo masuuliyiintii ku dhintay.

25 ruux, ayaa lagu dilay weerarkaasi, halka 40 kalana ay ka soo gaareen dhaawacyo kala duwan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News