26.9 C
Mogadishu
Monday, November 3, 2025

Dhaawacii madaxweyne oo khilaaf ka abuuray…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in Khilaaf xoogan uu iminka ka dhex curtay maamulka Ahlusunada Gobollada dhexe.

Khilaafka ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay dhaawaca ay Ahlusuna u geysteen Sargaalka lagu magacaabo Liibaan Madaxweyne, waxa uuna dhaawacaasi dhaliyay kala irdhoobida maamulka.

Mas’uuliyiinta Ahlusuna qaarkood ayaa sheegay in qaab qaldan loola dhaqmay Liibaan Madaxweyne isaga oo dhaawac ah, taasina aysan aheyn balanta.

Mid kamid ah mas’uuliyiinta maamulka Ahlusuna ee magaalada Dhuusamareeb, ayaa sheegay in balanka uu ahaa inaan si fool-xumo badan loola dhaqmin Sargaalka hogaaminaaya Ciidamada, xitaa aan la xumeyn karin askari kamid ah ciidamadiisa, balse goortii dhaawaca lagu qabtay Liibaan Madaxweyne ay jir dileen.

Mas’uulkaani ayaa sheegay in maamulka ay uga fadhiyaan inuu ka jawaabo Jir dilka iyo xumeynta ay u geysteen Liibaan Madaxweyne.

Sidoo kale, waxa uu mas’uulkaasi sheegay in goortii dhaawaca Liibaan iyo 15 kamid ah ilaaladiisa la geeyay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ay Saraakiisha Caafimaadka is hortaagen in Liibaan ay dabiibaan amar la’aan.

Dhanka kale, waxaa jiro warar sheegaya in maamulka Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ay ciidamo farabadan dhigeen Isbitaalka lagu dabiibaayo Liibaan Madaxweyne, iyada oo cabsi xoogan laga qabo in Ciidamadiisa ay soo qaadan dagaal rogaal celin ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News