Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax Khasaaro sababay ayaa lagu soo warramayaa in Ciidamo ka tirsan Millatariga DFS lagula eegtay maanta bartamaha Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in Qaraxa uu ahaa bam gacmeed lagu tuuray Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Somalia oo lugeynayay bartamaha Magaalada Marka.
Sidoo kale Qaraxaasi ayaa la tilmaamay in uu ku dhaawacmay 1 qof oo rayid ah , waxaana Askartii lala beegsaday Bam Gacmeedkaasi la sheegay in ay qaarkood ay waxyeello ka soo gaartay inkastoo aan la xaqiijin Karin sida dhabta ah ay wax ugu noqdeen
Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa weli gaabis xoogan ku jira dhaqdhaqaaqa Ganacsi ee Magaaladaasi taas oo la sheegay in ay ugu wacantahay canshuuraad dheeri ah oo ganacsatada Ciidamada dowladda Somalia ay ku soo rogeen.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

