28 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Warar ka cusub kulankii BF iyo TUURYARE oo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa kulanka iminka Xarunta BFS uga socdo Xildhibaanada, Ra’isul wasaaraha, tirro wasiiro ah iyo Taliyayaasha laamaha amaanka.

Kulanka ayaa la sheegayaa in iminka uu maraayo meel xasaasi ah, waxaana lasoo warinayaa in Xildhibaanada BFS ay cod dheer ku sheegen in Taliyaha Nabadsugida Cabdiraxmaan Tuuryare aysan uga baahneyn inay kusii dheeradan su’aalaha ay lawadaagayaan waxa ayna ka dalbadeen inuu is casilo.

Xildhibaanada oo aan wali ku qancin Jawaabaha uu bixinaayo Tuuryare ayaa sheegay in mowqifkooda uu yahay inuu is casilo bacdamaa uu ku fashilmay amaanka.

Tuuryare ayaa Xildhibaanada ka codsanaaya inay dhageystaan khudbadiisa, hayeeshee Xildhibaanada qaar ayaa lasoo warinayaa inay ku orinayaan Tuuryare.

Sidoo kale, Xildhibaanada ayaa sheegay in Wasiirka Amniga la hagar-daameeyay islamarkaana aan la hoosgeynin Taliska Nabadsugida, sidaa aawgeedna aysan ahmiyad u arag in Wasiirka ay shaqadiisa hor istaagan.

Geesta kale, Taliyaha Nabadsugida ayaa lasoo warinayaa in xilkiisa uu weyn doono, waxaana iminka ku kacsan Mas’uuliyiinta DFS min Madaxtooyo ilaa Baarlamaan, inkastoo shacabkuba aysan u arag shaqsi hanakara amniga Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News