27.8 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Sawirro caddeyn ah: Jen. Gabre oo qaab sirdoon ahaan u adeegsada madaxda dowladda Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sara kac xoogan ku imaaday Qaska iyo qarbudaada uu Gen. Gabre ka dhex wado madaxda ugu sareysa dalka, waxaana sii kordhaaya tirada mas’uuliyiin ee sida hoose ay kala dhexeyso wada shaqeynta.

Gen. Gabre oo 8-dii sano ee ugu danbeysay ku dhex milmaayay madaxda dalka, ayaa waxa iminka la rumeysan in kala bara labada Gole ee DFS ay yihiin kuwo xogta iyo macluumaadka dalka si toos u hoos geeya Gebra oo Dowlada Ethiopia u qaabilsan kala fogeynta Siyaasiyiinta qunyar socodka ah ee Somalia si meesha ay uga baxdo rajadii laga qabay Qaran cagihiisa ku taagan.

Gen. Gabre ayaa waxaa ku xiran mas’uuliyiin aad u badan oo u bareeray iibsashada sirta Somalia, waana tan keentay in Dowlada Ethiopia ay dib Somalia ugu soo celiso ciidamadii ka joogay dalka.

Dowlada Xassan Sheekh oo iminka ku fashilintay Siyaasada dalka ayaa xiriir dhow la leh Generaal Gabre, markii loo eego Dowladihii dalka soo maray.

Gabre waxa uu iminka Somalia ku leeyahay inkabadan 9 Xafiis oo ku kala yaalla min Caasimad ilaa Gobol waxa uuna Seddexda Xafiis ee ugu tayada badan ku kala leeyahay Villa Somalia, Baydhaba iyo Kismaayo.

Gabre waxaa ka hoos shaqeeya Wasiiro, Xildhibaano iyo Odayaal kuwaasi oo mid waliba dhexda u xirtay iibsashada Sirta dalka, waxaana xusid mudan in kuwa ugu badan ay yihiin Xildhibaano ka tirsan BFS.

Sida Sawirada hoose ka muuqata waa Gabre oo dhexda kaga jira meel waliba oo ay ku shirayaan Siyaasiyiinta, Odayaasha IWM, waxa ayna tani marqaati u tahay in dadka aan u dhiibanay mas’uuliyada ay yihiin kuwo wardoon u ah dalka Ethiopia.

1

2

7

10

6

8

11

9

4

5

12

- Advertisement -

Read more

Local News