Dhabancad oo go’aan ka qaatay xildhibaanada lagu soo doortay Ceelwaaq

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha ku-meel gaarka ah ee Golaha Shacabka Cabdisalaan Dhabancad ayaa ku gacan seyray dalab ay soo jeediyeen Xildhibaano ka tirsan Golaha, kaasi oo ay ku rabeen in hoolka doorashada looga saaro Xildhibaanada lagu soo doortay Ceelwaaq.

Guddoomiye Dhabancad ayaa diiday in la saaro Xildhibaanada Ceelwaaq, wuxuuna ku adkeystay inay codeynayaan, waana markii saddexaad ee guddoomiyaha KMG uu ku gacan seyro dooda saarista xildhibaanadaas.

Sida ay hore u baahisay Caasimada Online, Xildhibaanada labo kutlo oo kala ah kuwa Koonfur Galbeed iyo kuwa NISA ayaa qorshanayey in Xildhibaanadaas la saaro, taasi oo qeyb ka ah fowdo laga bilaabayo hoolka doorashada guddoonka Golaha Shacabka.

Dooda saarista Xildhibaanada Ceelwaaq ayaa ah isku-deygii u dambeeyay ee kooxda Farmaajo iskugu dayeyso inay fowdo iyo buuq uga abuurto kulanka Baarlamaanka ee lagu dooranayo guddoonka.

Qaar kamid ah Xildhibaanadii laga soo doortay Ceelwaaq ayaa maanta lagu arkayay ayaga oo ku sugan hoolka Afisyoone ee ka dhaceyso doorashada.

Lama oga sida ay noqon doonto xaalada, hase yeeshe ujeedkooda u weyn ee xubnaha doodan keenay kulanka ayaa ah in lagu baajiyo doorashada illaa hadda ay halkaas ugu sugan yihiin Xildhibaanada.

Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ka daahday in la bilaabo waqtigii lagu ballamay, kadib markii xildhibaannada qaar aysan gaarin hoolka doorashada, balse hadda waxa socota qaban-qaabada u dambeysay ee qabsoomida doorashada.