Xildhibaano ka kooban laba kutlad oo fowdo ka wada kulanka golaha shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoonaan karo oo aan helayno ayaa sheegaya in Xildhibaanada labo kutlo oo kala ah kuwa Koonfur Galbeed iyo kuwa NISA ay qorsheynayaan inay fowdo ka bilaaban doorashada guddoonka Golaha Shacabka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Xildhibaanadan ayaa doonaya in meesha laga saaro Xildhibaanadii laga soo doortay Ceelwaaq, kuwaasi oo maanta gudaha u galay hoolka Afisyoone ee ka dhaceyso doorashada.

Lama oga sida ay noqon doonto xaalada, hase yeeshe dalabka xildhibaanada labada kutlo ayaa waxaa la rumeysan inay si adag uga hor-imanayaan guddoomiyaha KMG ee Golaha iyo Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Guddoonka.

Xildhibaanadaan ayaa ujeedkooda u weyn uu yahay inay fowdo iyo buuq xoog leh ka abuuran gudaha hoolka doorashada, taasi oo ay ku rabaan in lagu baajiyo doorashada illaa hadda ay halkaas ugu sugan yihiin Xildhibaanada.

Qorshahaan ayaa waxaa sidoo kale iftiimiyay Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan (Taliye Shub) oo asagu wacad ku maray inaysan marnaba ogolaan doonin in Xildhibaanada laga soo doortay Ceelwaaq ay ka qeyb-galaan doorashada.

“Xildhibaanka aan ku iman sida aan ku nimid waa diideyna oo soo gali maayo teendhada, Xildhibaankii ku yimid sida aan ku imidna, isku mid ayaa nahay oo waxba isla dooraneyna. Sababta aan u imidna waa sidaas,” ayuu yiri.

Kooxda Farmaajo ayaa wada isku deygii ugu dambeeyay ee ku carqaladeynayaan doorashada Guddoonka Golaha Shacabka, ayada oo laga soo gudbay jid-gooyadii saaka loo dhigay Xildhibaanada.

Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ka daahday in la bilaabo waqtigii lagu ballamay, kadib markii xildhibaannada qaar aysan gaarin hoolka doorashada, waxaana hadda socota qaban-qaabada qabsoomida doorashada.