Maxaa kusoo kordhay qabsoomida doorashada guddoonka golaha shacabka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay qabsoomeyso doorashada, islamarkaana uu wax is-bedel ah ku imaan jadwalkii doorashada Guddoonka oo maanta dhaceysa.

Waxa uu sheegay in Xildhibaanada hoolka loogu diyaariyay Afur, maadama uu dib u dhac saacado ah uu ku yimid qabsoomida doorashada, sidaas darteedna ay ku sugnaan doonaan illaa ay kasoo afmeerayaan doorashada guddoonka.

“Dib u dhac ayaa jira waxa aan rabna oo inaga go’an in doorashada ay maanta dhacdo. Xildhibaanada waxay afurka ku leeyihiin halkaan. Si dib u dhac kale uusan noogu imaan waa in aan galabta illaa caawa aan ugu dambeyn kusoo gaba-gabeyno doorashada oo Golaha uu yeesho Guddoonkii,” ayuu yiri.

Guddoomiye Cabdirisaaq ayaa meesha ka saaray hadalo saacadihii u dambeeyay soo baxayay, kaasi oo sheegayay in uu is-bedel ku yimid jadwalkii doorashada Guddoonka, kadib markii Xildhibaanada ay la kulmeen caqabado dhowr ah si ay ugu sii gudbaan hoolka Afisyoone oo ay ka dhaceyso doorashada.

Waxa muuqata in doorashada Guddoonka illaa caawa ugu dambeyn lagu kala bixi doono, haddii uusan imaan is-bedel deg deg ah.

Hoolka doorashada ay ka dhaceyso ee Afisyoone ayaa hadda waxa ku sugan Xildhibaano badan oo kor u dhaafaya boqol, kuwaasi oo ay qeyb ka yihiin qaar kamid Xildhibaanadii laga soo doortay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Xildhibaanada Ceelwaaq iyo Garbahaarey ayaa ahaa dooda u weyn ee hadheysay qabsoomida doorashada guddoonka, ayada oo xubno kamid ah guddiga qaban-qaabada doorashadaas ay diideen in xildhibaanada labadaas magaalo laga soo doortay ka qeyb-galaan doorashada.

Hase yeeshe, waxaa muuqata in laga adkaaday garabka arrintaas ku dooday, ayna sidaas sharci ku noqdeen Xildhibaanadii laga soo doortay Ceelwaaq, oo markii dambe laga dhigay deegaanad doorashada labaad ee maamulka Jubbaland, kadib markii sababo amni doorasho loogu qaban waayay Garbahaarey.

Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ka daahday in la bilaabo waqtigii lagu ballamay, kadib markii xildhibaannada qaar aysan gaarin hoolka doorashada, balse xaalka hadda sidii hore waa ka roon yahay, waxaana socota qaban-qaabada qabsoomida doorashada.