Qaabkii cajiibka ahaa ee xildhibaanada qaar lagu geliyey gudaha Afisyoone

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa ugu dambeyn Teendhada Afisyoone gaaray tiradii ugu badneyd ee xildhibaanada Golaha shacabka kadib saacado lagu xayiray jidadka laga soo galo Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Arrinta ugu yaabka badan ayaa ah in xildhibaanada qaar ay sameeyeen kaarto cajiib ah oo xildhibaanada lagu soo gudbinayey si ay usoo gaaraan Teendhada Afisyoone oo la filayo inay ka dhacdo doorashada guddoonka Golaha Shacabka.

Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo kamid ah xildhibaanada cusub ee Golaha Shacabka oo watay gawaarida dagaalka iyo ciidan tiro badan ayaa gudbiyey illaa 30 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka kuwaas oo loo diiday inay galaan gudaha Xerada Xalane.

Xaadoole oo adeegsanayo ciidankiisa ayaa gudaha u gudbiyey xildhibaanadaan, waxaana sidoo kale jiro xildhibaano kale oo ilaalo hubeysan watay oo soo gudbiyey xildhibaano kuwaas oo awood u sheegtay ciidamadii Booliska ee diidanaa in gudaha loo gudbo.

Dhabaatada ugu weyn ee xildhibaanada qaar ay wajahayeen ayaa waxaa kamid ah inaysan heysan ilaali iyo gawaari ay soo raacaan, waxayna xildhibanadaas u badan yihiin kuwa cusub ee kusoo biiray Baarlamaanka 11-aad.

Teendhada Afisyoone ayaa hadda waxaa ku sugan ku dhawaad 150 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka, waxaana la sugayaa xildhibaano kale oo Hoteelo ku xayirnaa kuwaas oo hadda loo ogolaaday inay soo baxaan, waxayna xildhibaanada Hoteelada lagu xayiran u badan yihiin kuwa kasoo jeedo Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee Golaha Shacabka iyo xildhibaanada ku sugan gudaha Teendhadada Afisyoone ayaa go’aan ku gaaray in doorashada guddoonka aysan dhaafin Maanta, waxaana laga yaabaa inay gaarto illaa caawa Saq Dhexe.

Wixii kusoo kordha wararkaas kala soco wararkeena dambe Inshaa Allah