Qaar ka mid xildhibaanada lagu soo doortay Ceelwaaq oo galay teendhada Afisyoone

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Xildhibaanadii laga soo doortay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa goordhoweyd gaaray Hooka Afisyoone oo la filayo inay ka dhacdo doorashada Guddoonka Golaha Shacabka.

Maxamed Soomaali, Wasiirka Xananaada Xoolaha kana mid ahaa Xildhibaanadi Ceelwaaq laga so doortay ayaa kamid ah Xildhibaanada hadda ku sugan hoolka Afisyoone.

Xildhibaanada Ceelwaaq iyo Garbahaarey ayaa ahaa dooda u weyn ee hadheysay qabsoomida doorashada guddoonka, ayada oo xubno kamid ah guddiga qaban-qaabada doorashadaas ay diideen in xildhibaanada labadaas magaalo laga soo doortay ka qeyb-galaan doorashada.

Hase yeeshe, waxaa muuqata in laga adkaaday garabka arrintaas ku dooday, ayna sidaas sharci ku noqdeen Xildhibaanadii laga soo doortay Ceelwaaq, oo markii dambe laga dhigay deegaanad doorashada labaad ee maamulka Jubbaland, kadib markii sababo amni doorasho loogu qaban waayay Garbahaarey.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee gaaraya Hoolka Afisyoone ayaa sii kordhaya, ayada oo maanta dhowr jid-gooyo loo dhigay inay u gudbaan teendhada oo ah xarunta ay ka dhaceyso doorashada Guddoonka Golaha Shacabka.

Xildhibaanada oo markii hore lagu celiyay iridaha hore ee garoonka ayaa qaarkood ku guuleysteen inay u soo gudbaan gudaha, ayada oo tirada xildhibaanada ku sugan Afisyoone ay kolba marka ka dambeysa sii kordhayaan.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa hadda la furay iridaha iyada oo meesha laga saaray inta badan culeysyadii ay maanta la kulmeen Xildhibaanada, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda uu buuxsami doono kooramka si ay u dhacdo doorashada.

Carqaladeynta u weyn ee lagu sameynayay Xildhibaanada ayaa waxay uga imaaneysay Booliska Soomaaliyeed, oo Taliyahoodii uu xilka ka qaaday Wasiirka Amniga xukuumadda, kadib markii uu isku dayay in uu fara-gelin ku sameeyo doorashada Guddoonka Golaha Shacabka.

Hase yeeshe dadaalo kala duwan oo qeyb ka ahaayeen Madaxweynayaashii hore ee dalka ayaa meesha looga saaray inta badan jid-gooyadii iyo caqabadihii kala duwan ee ku gudbanaa Xildhibaanada si ay u gaaran hoolka doorashada ka dhaceyso.

Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ka daahday in la bilaabo waqtigii lagu ballamay, kadib markii xildhibaannada qaar aysan gaarin hoolka doorashada, balse xaalka hadda sidii hore waa ka roon yahay, waxaana lagu wadaa inay qabsoomto doorashada.