Faahfaahin: Dhacdadii ugu fool xumeyd abid oo ka dhacday gobolka Sh/Hoose

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhacdadaani foosha xun ayaa ka dhacday duleedka Degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose, kadib markii nin 80 jir uu surka ka jaray walaashii oo iyana da’deeda lagu sheegay 82 jir.

Ninkaani ayaa walaashii ku gowracay deegaan lagu magacaabo doonweyne waxa uuna 8 KM ujiraa Degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Saraakiisha Booliska Gobalka Shabeelaha Hoose, ayaa gacanta ku dhigay ninkaani da’da ah ee gowracay walaashii, waxa ayna tilmaameen in dilka uu ahaa mid sabab u ah muran dhuleed ka dhex dhashay.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in ninkaani uu walaashii la murmay kadibna uu lasoo baxay tooreey uu watay sidaana surka uga jaray walaashii.

Saraakiisha ayaa sheegay in falka gowraca kadib uu ninkaani qeybaha kale ee jirka tooreey ugu mud muday Meydka walaashii.

Sidoo kale, Howlgalka lagu qabanaayay ninkaani da’da ah ayaa waxaa ku dhaawacmay hal askari oo katirsan Ciidanka Booliis-ka Soomaaliya.

Geesta kale, dhacdadaani ayaa fajac galisay dhammaan shacabka ku nool Gobalka Shabeelaha Hoose iyo Gobolka Banaadir, waxa uuna la yaabku yahay mid ka dhashay in nin ay da’diisu tahay 80 jir ku dhiirado inuu surka ka jaro walaashii.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET