Dhacdo argagax leh oo ka dhacday DDS, kadib markii…

Jigjiga (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dhulka deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa sheegaya in maanta dhacdo argagax leh ay ka dhacday gudaha tuulada Waydkaal ee Degmada  Baaray oo ka tirsan Gobolka Afdheer ee ismaamulkaasi.

Dhacadaan oo lagu laayay dad shacab ah ayaa timid, kadib markii uu maran ka dhashay bixinta magta nin horay ugu dhintay shil baabuur oo labo beelood ay ku heshiin waayeen.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in beesha lagu leeyahay magta ay sheegtay inay bixineyso 44 neef oo Geel, balse waxaa taas diiday dhinaca kale oo dalbaday 100 neef, waxaana sidaas ku bilowday muranka labada beelood oo markaas magta u fadhiyay.

Intaas kadib ayaa waxaa heshiiskii u socday labada beelood ka kacay qoyska wiilka ka dhintay, ayada oo ciidamada ammaanka ay isku dayeen inay kusoo celiyaan goobta, balse waxaa sidaas kusii xoogeystay muranka oo isku beddalay gacan ka hadal toos ah.

Dhalinyaro careysan iyo ciidamada ayaa isku dhacay, taas oo keentay in laamaha amnigu ay rasaas adeegsadaan, waxaana isla goobta ku dhintay 5  qof oo isugu jira rag iyo dumar.

Sidoo kale waxaa jira dhaawac soo gaaray shacab iyo ciidan, ayada oo meesha ay ka dhacday mashaqo iyo masiibo ka wayn tii loo fadhiyay ee lagu heshiin la’aa.

War kasoo baxay ismaamulka deegaanka Soomaalida ayaa looga hadlay dhacdadan, waxaana lagu sheegay in dowladda ay waddo baaritaan ku aadan falkaasi argagaxa leh.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in marka uu soo dhammaado baaritaanka tallaabo laga qaadi doonto ciddii ka dambeysay sida ay waxu dhaceen.

Si kastaba, dhacdadan oo si aad ah looga hadlay haayo baraha bulshada ayaa waxaa si weyn uga argagaxay dadka deegaanka, maadaama ay abuurtay xiisad horleh.