Dhacdo cajiib ah: ASKARI kaligiis la dagaalamay 15 Al-Shabaab ah (Warbixin)

Garbahaarey (Caasimada Online) – Dhacdo yaab leh ayaa habeen hore ka dhacday afaafka hore ee magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo, kadib markii askari ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ay si kedis ahayd isaga horyimaadeen xubno ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

Askarigan oo hoygiisa ka baxay, kuna sii jeeday Xerada Ciidanka Xoogga Dalka ku leeyihiin magaalada bannaankeeda hore ayaa la sheegay inay waddada isku arkayn maleeshiyaadaasi, xilli ay miino ku aasayeen waddada dhinaceeda.

Wararka ayaa sheegaya in halkaasi uu ku dhex maray iska horimaad in doora socday, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidamada, maleeshiyadaasina uu ku khasbay inay dib u gurtaan.

Cabdisamad Siraad Maxamed ayaa iska horimaadkaasi ku dhaawacmay, halka dhinaca Shabaabkana la sheegay in laba nin uu ka dilay.

Sarkaal ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo oo dhacdadaasi ka waramay ayaa sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab ay foodda gelin kari waayeen difaacii uu xirtay askarigaasi.

“Nimanku waxay ahaayeen illaa shan iyo toban nin oo cadowga Al Shabaab ah, qaab dhuumaaleysi ah bayna halkaasi ku yimaadeen, markii ay askariga arkayna halmar ayaa dabsaar lagu kulmiyay, asaguna waa is lagdoow oo waa is difaacay. Difaac adag ayuu galay, wayna u soo geli waayeen, illaa ciidankii gurmadka uga yimid. Ciiidamadii Xarunta Militariga ka yimid iyo kii Booliska ahaa ee degmada ka yimid, intaba asagoo difaac ku jiro oo dhaawac ah ayay u yimaadeen. In ka badan 20 xabadood baa ku dhacday, booshkii uu watayna qaar baa burburay, xabadihii ku dhacay,” ayuu yiri Sarkaalkan oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan.

Waxa kaloo uu yiri “Ciidamada waxay halkaasi ka soo qaadeen qori AK47 iyo dhowr khasnadood oo rasaas ah, oo nimankii cadowga ay uga carareen. Goobtaasi waxaad ka arki kartay sida uu dhiigoodu ugu daatay, markii la sii raad-gurayna in laba nin uga dhimatay ayaa caddaatay.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Cabdisamad Siraad Maxamed waa askari ka tirsan Guutada 10aad, Qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka. Asagoo da’yar ayuu ciidanka qortay, wuxuuna ka mid yahay askartii illaa 2011 difaaca uga jiray gobolka, degmooyin badana wax ka qabtay, waana nin si aad ah u tababaran oo koorsooyin badan qaatay.”

Cabdisamad Siraad oo xaaladiisa lagula tacaalayo isbitaal ku yaala Magaalada Garbahaarey ayaa waxaa la filayaa in dhaawaciisa loo qaado Magaalada Muqdisho.

Dhacdadan ayaa imaanaysa saacado ka dib, markii laba askari oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka ay kooxo hubeysani ku dileen Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.