Xog: Maxey isku qabteen R/W Rooble iyo Wasiir Beyle?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Beyle Ducaale ayaa waayey Kursigiisii Golaha Shacabka kadib khilaaf la sheegay inuu muddooyinkii lasoo dhaafay u dhaxeeyey isaga iyo Ra’isul waaare Maxamed Xuseen Rooble.

Beyle ayaa ku fadhiyey Kusiga HOPP# 201, waxaana kursigiisii shalay qaatay Dr. Cabdi Abiib oo ah aas-aasaha Machadka RAAS.

Dr. Abiib oo la fahsamsan yahay inuu si weyn gacan saar shakhsi ah ula leeyahay taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa dhinaca kale macaamiil dhow la leh xubno kamid ah midowga musharixiinta mucaaradka, waana cod uu odoraskiisu adkaan doono.

Wasiir Beyle oo kamid ahaa labada Wasiir ee aan la badalin intii uu jiray nidaamka Madaxweyne Farmaajo ayaa wuxuu shalay qabtay shir jaraa’id oo uu kaga hadlay arrinta kursigiisa, isagoo si dadban u weeraray Ra’isul wasaaraha iyo xafiiskiisa.

Wasiirka Maaliyadda wuxuu sheegay inuu diiday waxyaabo badan oo aan waafaqsaneyn shuruucda Maaliyadda dalka oo loola yimid, taas oo uu ku muteystay cadaawad badan, balse wuxuu yiri hal Qof, 10 Qof iyo 100 qofba waxaa ka muhiimsan Qaranka.

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle wuxuu sheegay in kursigiisa Golaha Shacabka iyo go’aanadiisa maasaaniyaddu inay isisaameeyeen, balse uu ku adkeysanayo go’aankiisa maaliyadeed.

Inkastoo waqtiga uu doodiisa banaanka keenay ay daciif ka dhigeyso eedaan uu sida maldahan ugu jeedinayo Ra’isul Wasaare Rooble iyo kooxdiisa, hadana xubno kamid ah golaha wasiirada ee dowladda federaalka waxay sheegeen in muddooyinkii lasoo dhaafay uusan jirin cilaaqaad wanaagsan oo ka dhaxeeya Ra’isul Wasaare Rooble iyo Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle.

Sababta aan xilka looga qaadin iyadoo aysan labada Nin isku fiicneyn waxay wasiirada qaar ku sheegeen inay tahay culeys ka imaanayey dhanka Bankiga Adduunka iyo hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF, kuwaas oo shaqo toos ah oo Beyle dhextaal u yahay la waday Wasaaradda Maaliyadda ee Soomaaliya.

Dhowr jeer oo hore oo la isku dayey in Beyle la bixiyo waxaa la sheegay inuu ku badbaaday cadaadiska hey’adaas oo madaxda sare ee dalka ku cadaadiyey inaan la dhaawicin mashruuca deyn-cafinta Soomaaliya iyo hufnaanta Maaliyadda oo u muuqata inay hey’adahaas hadda ku qanacsan yihiin.

Sidoo kale, la taliyayaasha Ra’isul Wasaare Rooble qaar, waxay sheegayaan haddii Beyle la tuuro in loo fahmi karo in Ra’isul wasaaruhu u bareeray arrin dhaqaale raadin oo la xiriirta, iyadoo dhawaanahaan ay ku socdeen eedo, kuwaas shabaha.

Maadaama uu shalay Beyle si dadban u weeraray xafiiska Ra’isul wasaaraha uuna isku xiray damac maaliyadeed iyo xildhibanimadii uu waayey waxaan la ogeyn waxa ay sameyn doonaan Ra’isul Wasaare Rooble iyo kooxdiisa.

Falanqeeyaasha qaar waxay qabaan inay dhici karto in Rooble lagu qalqaaliyo inuu dhagaha ka fureysto IMF iyo World Bank oo uu Beyle eryo, balse haddii ay tallaabadaas qaadaana lama yaqaano in loo fahmi doono khilaaf siyaasadeed ama qorshe Maaliyadeed.

Xubnaha ku dhow dhow Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waa iska fogeeyeen eedda ka timid dhanka Wasiir Beyle, waxay sheegayaan inuu wasiir Cabdiraxmaan Beyle rabay in loo xiro kursigiisa Golaha Shacabka, iyaguna ay taas diideen, halkaasna uu ka xanaaqay.

Kursigaan waa la doortay shalay, waxaana qaatay Dr. Abiib, codkiisa meesha uu dhigi doono lama yaqaano, balse waa Nin saaxiibo badan oo labada dhinacba cilaaqaad dhow la leh.

Doorashada Soomaaliya ayaa ka gudubtay xadkii qiyaasta doorasho caadi ah, si xoog leh ayaa la isku dardarayaa, iyadoo aysan jirin cid loo joojinayo cabashadooda.

Maamul Goboleedyada ayaa u badan kuwa boobaya kuraasta, mana jiro xafiis awood u leh inuu arrintaaasi joojiyo.

Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkaba waxaa ka muuqda daal badan, waxayna hamuun u qabaan, in mar un uu dhammaado mashruuca doorashada oo uu dalku ka baxo jahwareerka taagan, ayna dib u bilowdaan adeegyadii dowliga ahaa.