Dhacdo cajiib ah oo ka dhacdo Muqdisho: Marka aan Black Sea tago ayaan soo qarxinaa bambada

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxa ay dhacdadaani ka dhacday Xaafada Madiino ee Magaalada Muqdisho, kadib markii ruux tagsiile ahaa uu goob fagaaro ah ku dhex yiri Erayga ay inta badan xiligaani dhibsadaan dadka ku nool Magaalada Muqdisho ee ah ”Qarax ama Qarxin”.

Dhacdadaani ayaa waxa ay imaaneysaa xili wakhti yar ka hor halkaasi Qarax bam uu ka dhacay waxaan Tagsiilaha usoo dhacay Telefoon xili uu doonaayay in gaarigiisa uu u kaxeeyo Isgooyska Balack Sea si uu usoo sameeyo.

Gaariga oo ka daalay farsamo ayaa mar qura shaqada ka fariistay waxa uuna Tagsiilaha go’aan ku gaaray inuu birbir u gato waxa uuna Bambadii gaariga u dhiibay mid makaanikiiste reer Xamar ah si loogu iibgeeyo Isgooyska Balack Sea ee Degmada Hodan.

Makaanikiistaha oo Telefoonka usoo dhacay ayaa waxa uu shaqsigii lahaa alaabta u balanqaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan ku qarxin doono alaabta laga soo furay gaariga, waxa ayna taasi dhalisay in darawalkii waday gaariga BL-ka uu degay kadibna Ciidamo goobta ku sugnaa uu ku wargaliyay in gaariga uu saaran yahay ruux doonaayo inuu fuliyo weerar Ismiidaamin ah.

Gaariga oo xiligaasi taagnaa Isgooyska lamber Afar ayaa waxa ay Ciidamada amaanka kula dhaqaaqeen baaritaano waxa ayna meesha soo dhigeen Ciidamo dheeri ah, iyaga oo gabi ahaan xiray agagaarka wadadaasi, hayeeshee ruuxa laga shakiyay ayaa waday mid kamid ah qalabkii laga soo furay gaarigii Tagsiga ahaa waxa ayna birtaasi aheyd tan loo yaqaan ”Bambada”.

Ruuxa birtaasi suuqa u iibgeynaayay ayaa shaki badan galiyay dadkii saarnaa gaariga waxa uuna dhowr mar ku celceliyay ”Haa walaal Bambadii waan wadaa goordhowna waan qarxindoonaa” balse waxa uu isaga ula jeeday in uu iibinaayo Bambada gaariga si bedelkeeda ay u helaan dhaqaale.

Darawalka BL-ka waday ee isugu yeeray Ciidamada Dowlada ayaa xabsi ku muteystay sheegida ruuxaasi kadib markii Juhdi badan lagu bixiyay xirista wadada iyo baaritaano lagu sameeyay gaariga iyo dadkii saarnaa gaar ahaan shaqsigaasi.

Dhacdadaani ayaa waxa ay kamid tahay dhacdooyinka ka dhasha adeegsiga Erayada qaar ee ku jira Luqada Soomaaliga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com