Xog: Axmed Madoobe oo diidan in Xasan Shiikh..

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa wado qorsho cusub oo uu ku jaan rogaayo Siyaasada Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.

Qorshaha ayaa la soo warinayaa in Axmed Madoobe uu kaga soo horjeedo Wakhti kororsiga Madaxweyne Xassan iyo in Maamulkiisa uu taageero qorsho lagu sameynaayo doorasho nin iyo codkiisa ah, kadib markii doorashada noocaasi ah uu ka hor imaaday Xassan Sheekh.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale ku howlan diyaarinta qoraalo la sheegay in Maamulka uu u gudbin doono Xarunta QM ee Somalia, qoraalkaasi oo lagu qeexi doono in Maamulka Jubbaland uu qaadacay in Madaxweyne Xassan uu kororsado wakhtiga.

Maamulka Jubbaland ayaa xiriir dhow la leh Beesha Caalamka marka la eego xiriirka Madaxweyne Xassan kala dhexeeya Caalamka intiisa kale, waxaana xili waliba la filankaraa in Axmed Madoobe uu ku guuleysto Siyaasada uu kaga soo horjeedo Xassan iyo Xulafadiisa.

Warar kaasi ka duwan ayaa sheegaya in Hogaamiyaha Maamulka Puntland uu Axmed Madoobe ka dalbaday inay wadaagan warqada loo gudbin doono QM, inkastoo aan si rasmi ah loo garankarin in qorshahaasi ay isku fahmeen labada hogaamiye.

Arrintaani ayaa imaaneysa iyadoo Maamulada Puntland iyo Jubbaland aysan kasoo qeybgalin shirkii looga arrinsanaayay Hanaanka doorashada dalka ee maalin ka hor kusoo idlaaday Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com