Sawiro: Ethiopia oo sajaayad u gogoshay Obama

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dowlada Itoobiya ayaa ku dhaqaaqday tallaabo ula kac ah oo xumeynayo islaamka iyo muslimiinta kadib markii ay Sajaad loo adeegsado Masaajiyada dadka muslimiinta ah ay u dhigtay madaxweynaha Mareykanka si uu ugu dul socdo kuna bedeshay Roogii Casaa ee soo dhoweynta madaxda loogu talo galay.

Arrintan oo si weyn looga hadlay baraha dadka muslimiinta ah ku xiriiraan, waxaana maamulka Itoobiya ka taliya lagu sifeeyay cunsuri cadaawad u haya muslimiinta, inkastoo dadka dalkaasi ku nool ay in badan oo ka mida yihiin dad muslimiin ah.

Sajaayada muslimiintu dhigtaan masaajidda waxaa loo qaabeeyay qaab islaami ah waxayna leedahay calaamado muujinaya qaab masjir iyadoo midiiba loo qaabeeyay in saf dad ahi ku tukadaan.

Dunida oo dhan waxaa laga isticmaalaa ROOG CAS oo aan lahayn wax calaamado ah si madaxda loogu soo dhoweeyo, laakiin Itoobiyaanka waxay u bareereen ihaano ay ula jeedaan dadka muslimiinta ah
Madaxweynah Mareykanka ayaa markii ugu horeysay booqday dalalka Kenya iyo Itoobiya isagoo khudbad ka jeediyay xarunta Midowga Afrika ee Addis ababa. Ujeedada Itoobiyaanka ayaa dad badan is weydiiyeen iyadoo kuwa ugu sahlan ay ku tilmaameen inay ahayd ula kac iyo xumeyn.

sajaa 1sajaa 3