Indha-Cadde oo weeraray GAAS iyo A/Madoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde, ayaa si kulul kaga hadlay khilaafaadka mar walbaa ka dhex dhacaa dowlada Soomaaliya iyo maamulada dalka qaar gaar ahaan maamulka Puntland iyp Jubbaland.

Indha-cadde wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya ay sabab u tahay in mar walbaa Puntland ay sheegtaa iney xiriirka u jartay dowlada dhexe ee dalka Soomaaliya, isagoo ku tilmaamau iney u jilcan tahay mar walbaa maamula Puntland.

Sidoo kale Indhacade ayaa weeraray C/welli Gaas, isagoo nasiib daro ku tilmaamay in xiligii wadahadalada ka socdeen magaalada Garowe uu ka duulay magaalada una duulay Kenya, iyadoo ra’iisul wasaaraha dalka uu ku sugnaa magaalada Garowe oo aan xal buuxa la gaarin.

“Dowlada Xasan Sheikh iyadaa u sabab ah in mar walbaa uu khilaaf yimaadaa, sababoo ah mar walbaa wey u jilcan tahay maamulka Puntland oo wey baryootameysaa”ayuu yiri Indha=cadde.

Dhanka kale Wuxuu sheegay in maamulada Puntland iyo Jubbaland ay isku baheysteen diidmada iyo mucaaradnimada maamulka Galmudug ee dhawaan lagu dhisay magaalada Cadaado.

“Maxaa wax loo dhisanayaa aniga kaliya ayaa wax dhisanaya ayay wadaan, Axmed Madoobe waxaan leeyahay ha iska joogiyo taageerada qabiilnimada ah”ayuu yiri Indha-cadde.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com