DFS ma ku tiirsanaan kartaa canshuurta dadka Muqdisho (Keyga anaa leh, kaagana kula lihi) !!!

Ilaa Bishii May ee sanadkan 2015 waxay dowladda Federaalka ka cabaneysay dhaqaale darro soo wajahday oo ay la bixin weyday mushaarkii ciidamada iyo shaqaalihii rayidka ahaa, waxaana arrintan loo aaneeyay inaan la helin dhaqaalihii beesha caalamka laga filaayay, xukuumadda Soomaaliya oo dhowaan ansixisay in la yareeyo mushaarka shaqaalaha iyo saraakiisha dowladda waxay hadda shaacisay in canshuuraha gudaha ay kordheen.

Wasiiru dowlaha Maaliyadda C/llaahi Maxamed Nuur ayaa warbaahinta dowladda ka soo xigatay in dakhliga gudaha ka soo xarooda uu kordhay labalaab (100%) sanadkii 2014, taasoo uu sabab uga dhigay markii ay dadka Soomaaliyeed bixiyeen canshuuraha. Cabdullaahi Maxamed Nuur wuxuu intaas ku daray in  arrintan ay horseedi doonto inuu dalku uu isku filnaado.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda iyo midka cusub oo xilka isku warejinaya
Wasiirkii hore ee Maaliyadda iyo midka cusub oo xilka isku warejinaya

“Wasaaradda maaliyaddu waxay dhinaca dakhli ururinta ka sameysay horumar aad u ballaaran, tusaale ahaan horraantii 2014-ka dakhliga gudaha ee dowladda wuxuu ahaa wax ka yar 5 milyan oo dollar bil walba, hadda (2015) wuxuu marayaa 10 malyan bishii, Hadafkeenu wuxuu yahay in dakhliga gudaha uu noqdo 15 milyan sida ku cad miisaaniyadda dowladda, waxaan rajaynayaa in sanadku inta uusan dhammaanin aan isku filnaano oo dakhliga gudaha uu daboolo adeegyada dowladda”” Wasiiru dowlaha Maaliyadda

Bishaarada Wasiiru dowlaha Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ee ah in dowladda Soomaaliya isku filnaan doonto kana maarmi doonto deeqda dibadda waxay ka farxineysaa dadka Soomaaliyeed ee qaranimada jecel, laakiin dhinaca kale waxay culeys ku tahay dadka degan caasimadda Muqdisho oo keligood dusha u riday inay xambaaraan dowladii Soomaaliya oo dhan u dhaxeysay.

Dowladda dhexe ee Soomaaliya waxay ku tiirsan tahay canshuurta laga qaado dadka ku nool magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho iyo ilaha dhaqaalaha ee ku yaala sida Garoonka diyaaradaha iyo Dekadda Muqdisho iyadoo aanay wax dhaqaale ama canshuur ah ka helin goboladda kale ee dalka!!.

Waxaa dhowaan ka istaagay dowladda Fedealka canshuurtii ay ka heli jirtay gobolka SH/hoose oo gebi ahaan uu la wareegay maamulka K/Galbeed. Tusaale ahaan canshuurta laga qaado Degmada Afgooye waxaa toos loogu diraa magaalada Baydbaba ee maamulka KMG ah ee K/Galbeed.

Dhaqaalaha laga helo dekadda Kismaayo waxaa isla maamulka dowladda Kenya iyo maamulka  Juba ee Axmed Madoobe. Heshiiskii Addis ee dowlada Federaalka iyo Axmed Madoobe oo qodobadiisu ka mid ahaayeen in dowladda Federaalka lagu wareejiyo dekadda Kismaayo wuxuu u muuqdaa mid la laalay, mana jirto dhaqaale dhinacaas dowladdu ka sugeyso.

In la jirdilo darawalada Mootooyinka Bajaajta waxay ka mid tahay qaababka dowladda hoose ee Xamar Canshuurta u qaado iyadoo adeegsaneyda ciidanla ilaalada degaanka oo qoryo AK 47 ku hubeysan bartama magaalada Muqdisho
In la jirdilo darawalada Mootooyinka Bajaajta waxay ka mid tahay qaababka dowladda hoose ee Xamar Canshuurta u qaado iyadoo adeegsaneyda ciidanla ilaalada degaanka oo qoryo AK 47 ku hubeysan bartama magaalada Muqdisho

Puntland iyo howlaheeda mar hore ayaa la iska iloobay, mana jirto dhaqaale haba yaraatee dowladdu ka hesho Puntland. Waxaa dhaqaale dowladda dhexe ee Muqdisho ka hesho Puntland ugu danbeeyay xiligii uu madaxweynaha ahaa Marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed oo ciidamo iyo dhaqaale fara badan Puntland u soo diri jirtay Muqdisho, wixii mudadaas ka dambeeyay waxay xaaladu isu bedeshay dowlado loolamaya. Waxaan kaloo talada ku jirin dhaqaale laga helo gobolada hadda la dhisay ee Galmudug , tiiyo Somaliland ay tahay arrin gaar ah.

Sidaaasoo ay tahay maamulada dalka ka jira waxay intooda badan cadaawad ka goosteen Muqdisho oo ay ku tebayaan inay liqdo dhammaan dhaqaalihii loogu talogalay Soomaali oo dhan, waxayse runtu tahay in dhaqaalaha dibadda laga helo uu jeebka u galo shaqsiyaad gaar ah oo madax ah oo ay ku jiraan kuwa maamul goboleedyada, Muqdishana ay u dheer tahay culeyska ah in dadka Muqdisho ay keligood bixiyaan canshuurta dowladda Soomaaliyeed ku howl gasho, taasoo xaqdarro ay ku eedeysan yihiin ku ah reer Muqdisho.

Siyaasadda ah: “KEYGA ANAA LEH, KAAGANA KULA LIHI” ee dadka Muqdisho heysata iyo madaxda dowladda Soomaaliya ee ka kala yimid gobolada dalka oo dhan waxaa hor taalla su’aal ah “ILAA INTEE AYAY DOWLADDA FEDERAALKA DULSAAR KU AHAAN KARTAA DHAQAALAHA MUQDISHO OO KALIYA?”. Hadii gobol kasta dhaqaalihiisa ka reebto dowladii Federaalka sidee madaxda aan reer Muqdisho ahayn xalaal ugu noqon karaa mushaarka iyo dhaqaalaha kale ee ay ku qaataan magaca dowladda balse laga qaado reer Muqdisho oao kaliya. Sow gar maaha in wasiir kasta degaanka uu ka soo jeedo mushaarka ka qaato ama dowladda Federaalka xilliba Gobol la dejiyo si cadaalad u dhacdo????….

Faaladda Goobjooge