Dhacdo fool-xun: Dumar Soomaaliyeed oo arrin aysan fileynin ay ku qabsatay Kuwait

Qahira (Caasimada Online) – Boliska dalkaasi waxay gacanta ku dhigeen 2 Dhallinyaro oo u dhashay dalkasi, kuwaasi oo lagu helay inay xoog ku kufsadeen 2 Haween Soomaali.

Wargeyska Malinlaha ee Al-rai ee ka soo baxa Caasimadda dalkaasi ee Kuweyt City ayaa qoray in Labo haween dhllinyaro Soomaali ah lagu fara-xumeeyey Beer ku taalla Degmadda Wafra.

Ilo dhinaca Ammaanka ayaa sheegay in mid ka mid ah Haweenka Soomaalida ay saaxiib la ahyd mid ka mid ah rggii kufsady, oo ay horey ugu sheegay inuu guursan doono.

Eedeysanaha ayaa la sheegay inuu Haweeneyda ka codsaday inay ku kulman Xaafadda Qadisiya si ay u haasaawaan.

Haweeneyda waxay horey u sii wehlisay gabar kale oo ay  saaxiibo yihiin, si ay u soo aragto Ninka ay ku ballameen Guurka.

Wargeyska Al-rai ayaa sii qoray inay Labada gabdhood raaceen gaari uu watay Ninkii la ballansanaa oo uu Nin kale wehliyo, waxayna ula jiheysteen Beer ku taalla Deegaanka Wafra, halkaasi oo si khasab ah ugu kufsadeen Gabdhihii Soomaalidda.

Dhinaca kale,  mid ka mid ah Gabdhahaasi ayaa ku wargelisay Boliska Xad-gudubka loo geystay iyada iyo saaxiibteeda, waxayna Boliska ku guuleysteen in la soo qabto raggii xadgudubka geystay.

Eedeysanayaasha waxaa loo gudbiyey Xeer-ilaalinta dalkaasi, waxaana ku socda Baaritaan.

Sidoo kale, Haweenka Dhibanayaasha ayaa iyagana loo diray Isbitaal, si loo soo xaqiijiyo in la kufsaday.

Xigasho: Al-rai and R.Dalsan

 

Caasimada Online
Xafiiska Qahira
Caasimada@live.com