Sawirro: Meydka Haweeney muslim qaadi ka aheyd New York oo wabi laga helay

New York (Caasimada Online) – Waxaa wabiga Hudson ee ku yaala magaalada New York, laga helay Meydka Sheila Abdus-Salaam oo aheyd haweeneydii ugu horreysay oo madow ah islamarkaana Muslim ah ee loo magacaabo qaadi ka tirsan maxkamadda sare ee magaalada New York.

Haweeneydaani qaadiga aheyd ayaa Meydkeeda lagu arkay dhinaca Wabiga, waxaana loo badinayaa in la daldalay kadibna lagu riday.

Haweeneydaani ayaa sana jirkeeda lagu sheegay 65 jir, waxa ayna deegaan ahaan degneyd guri aan sidaa uga sii fogeyn wabiga laga helay meydkeeda.

Meydka Haweeneyda ka hor ayaa la sheegay in Ciidamada Booliska magaalada New York, lagu wargaliyay in Sheila Abdus-Salaam lagu la’ yahay nolo iyo geeri, waxaana xigay meydkeeda.

Saygeeda ayaa maalin ka hor ku wargeliyay booliska in uu la`yahay xaaskiisa, waxaana marki meydka la helay uu qeyb ka ahaa dadkii muuqaal aqoonsaday.

Dhinaca kale, Booliska ayaa iminka wada baaritaan ku aadan Meydka, waxaana loo badinayaa in la dilay kadibna lagu riday.