Sawirro: Galmudug oo soo bandhigtay badmaaxiin laga soo furtay Burcad badeeda

Cadaado (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa ku guuleystay badbaadinta Badmaaxiin u dhashay Dalka Hindiya oo muddo farabadan ku jiray gacanta Burcad-badeeda Soomaalida.

Maamulka ayaa sheegay in Badmaaxiinta ay ka muuqdaan duruufo aad u xun, balse ay yihiin kuwa caafimaad qaba oo aan loo geysan dhibaato.

Maamulka ayaa soo bandhigay Badmaaxiinta waxa uuna maamulka cadeeyay in lagu wareejin doono dowlada India.

Badmaaxiin u dhashay Dalka Hindiya, ayaa laga soo badbaadiyay deegaan yar oo u dhow degaanka Ceel-huur ee Gobolka Mudug, halkaasi oo ay ku sugneyd Burcada.

Maxamed Yuusuf Xaashi oo ah Taliyaha Ciidamada Ilaalada xeebaha Maamulka Galmudug, ayaa sheegay in badbaadinta Badmaaxiinta ay muddo ku qaadatay balse iminka ay ku guuleysteen.

Waxa uu sheegay Burcad badeeda afduubatay raggan qaar ka tirsan ay hayaan in ay soo taagi doonaan Maxkamad.