Xog: Dhacdo fool xun oo dhex martay suxufiyiin ka howlgala MUQDISHO iyo EEYAHA AMISOM !!

Muqdisho (Caasimada Online) – Suxufiyiin ka howlgasha Telefeshinada iyo Idaacadaha Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa maanta looga yeeray Kulan ka dhacayay Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

Suxufiyiintaasi oo Ciidamada AMISOM kala kulmay dhibaato farabadan ayaa waxaa markii dambe lagu xujeeyay in Kaamiradaha iyo agabkii ay wateen ay baaraan Eeyo u gaar ah Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa ka howlgala xarunta weyn ee Xalane.

Suxufiyiinta oo tiro ahaan kor u dhaafeysay ilaa 6-Suxufi, ayaa waxa ay aad uga carooden baaritaanka qalabkooda uu ku sameynaayo Eeyga, waxa ayna ahaayen kuwo ku doodaayay in diinta Islaamka ay ka mamnuuceyso taabashada Eeyga.

Ciidamada AMISOM oo ilaalinta amaaanka qaabilsanaa ayaa isku dayay in ay saxafiyiinta dooneysa in ay halkaas galaan goobtaas ku baaraan. iyaga iyo qalabkoodaba Eey, sida ay sheegeen wariyayaashu, waxa ayna tilmaameen in Eeyaha loo keenay ay ahaayen kuwo qoyan oo ay ka muuqatay rafaad.

Ismaaciil Allright oo ah Sawir qaade ka tirsan Horn Cable TV, ayaa sheegay inay iska diideen amarka ah inuu baaro Eeyga, waxa uuna sheegay inay go’aansadeen inay isaga tagaan halkii ay u shaqo tageen ee Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Dhacdadaani ay la kulmeen Suxufiyiinta ayaan aheyn tii ugu horeysay oo ay kala kulmaan Ciidamada AMISOM ee ilaalada ka ah Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho

Dowladda Somalia iyo AMISOM oo dhowr jeer laga codsaday inay wax ka qabtaan arrintaasi ayaan ilaa hadda wax ka qaban oo xitaa aan ka hadlin, waxa ayna taasi ka turjumeysaa inuu yahay mid go’aankaasi leysu waafaqay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com