Kulamo muhiim ah oo u dhexeeya xildhibaanno iyo ODAYAAL oo socda (Qorshayaal la dejinayo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan BF Somalia oo maalinimadii shalay gaaray Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, ayaa halkaasi kulamo gaar gaar ah kula qaadanayaan Odayaasha uu u dhexeeyo shirka dib u heshiisiinta ee halkaasi ka socda.

Xildhibaanada oo dhowr qof ka kooban ayaa waxaa halkaasi u diray DF Somalia, gaar ahaan Wasaarada Arrimaha Gudaha, iyagoona uu u jeedkoodu yahay inay dhex dhexaad ka noqdaan shirka halkaasi ka socdo.

Xildhibaanadaani oo gudi ka kooban ayaa waxaa hor boodaayo Abuukaate Daahir Xasan Cabdi, waxa ayna tiradooda gaaraysaa 6, iyadoo ay xusid mudan tahay in xubnaha halkaasi tagay uu ka mid yahay Wasiirkii hore ee arimaha gudaha Cabdullaahi Goodax Barre.

Xildhibaan Abuukaate Daahir Xasan Cabdi oo siyaabo kala duwan kulamo ula qaatay Odayaasha uu shirka u socdo, ayaa sheegay inay xooga saarayaan sidii xal waara looga gaari lahaa Shirka iminka socdo.

Isagoo sidoo kale, kalimado ka jeediyay shirkaasi ayaa waxa uu sheegay in xildhibaano badan oo reer Hiiraan ah ku soo wajahan yihiin Baladweyne, islamarkaana ay dowladda taageertay shirkaasi, iyaguna lagula soo dardaarmay inay guulo kasoo hoyiyaan shirka.

Wuxuu sheegay in sharaf weyn ay u tahay mudadii koobneyd ee shirkaan uu socday in ay ku heshiiyeen beelo halkaasi wada degan.

Dhanka kale, Wasaarada Arrimaha gudaha iyo kan gobolka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay qaabka uu u soconayo shirka, waxa ayna si wada jir ah Beelaha halkaasi dega ugu baaqen inay DF garab ku siiyaan miro dhalka shirka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com