Qarax xooggan oo ka dhacay magaalada MARKA

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay Qarax khasaaro kala duwan geystay.

Wararku waxa ay sheegayaan in Qaraxaasi lala eegtay kolonyo gaadiid oo ay la socdeen ciidamo ka tirsanaa AMISOM.

Goobjooge ku sugnaa goobta uu Qaraxa ka dhacay, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in qaraxa uu ahaa Bam gacanta lagu tuuray Ciidamada, kaasi oo si gaar ah loola eegtay mid kamid ah gaadiidka lagu daad gureeyo Ciidamada gurmadka ah.

Ciidamada Qaraxa lala eegtay ayaa maraayay meel ku dhaw saldhigga Booliiska ee magaaladaasi Marka, waxa ayna wararku sheegayaan in Qaraxaasi uu sababay dhaawaca Laba kamid ahaa Ciidamada iyo Seddex shacab ah.

Qaraxa kadib ayaa waxa ay Ciidamadu ooda ka qaaden rasaas xoogan oo ay ku fureen dad shacab ah oo goobta maraayay.

Dhanka kale, Ciidamada AMISOM iyo kuwa Boliska DF Somalia ayaa xiray dhamaan goobta, waxa ayna halkaasi ka qabqabteen Sodomeeyo ruux oo shacab ahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com