Xog: Saxiixa Mooshin xilka looga qaadayo Xasan Sh. oo socda (Magacyada xildhibaanada wada)

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mida xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa bilaabay mooshin ka dhan ah madaxweyne Xasan Sheekh oo la doonayo in xilka looga qaado, iyadoo lagu soo oogayo inuu ku tuntay qodobo badan oo Dastuurka KMG ah ka mida.

Xildhibaanno ka mida kuwii hore ugu kacsanaa iyo qaar taageerayaasha madaxweynaha ka mid ahaa ayaa hogaaminaya howshan iyadoo uu bilowgii ugu horeeyay lagu asteeyay magaalada Muqdisho, waxaana wararku sheegaya in kalfadhiya lixaad ee Baarlamaanka uu noqon doono mid mooshino miiran ah xilligan oo loo xusul duubayo hiigsiga cusub ee 2016.

Xildhibaan C/raxmaan Xoosh iyo Xildhibaan Daahir Jeesow ayaa ugu horeeya xildhibaannada wada mooshinka laga keenayo madaxweynaha oo maraya marxaladiisii ugu horeysay, laakiin waxaa jira diidmo weyn oo ku saabsan hab dhaqanka madaxweynaha siiba arrinta maamulka Jubba iyo Puntland.

Hore ayuu madaxweyne Xasan Sheekh uga badbaaday ololihii ugu weynaa oo xildhibaanno ka badan 100 ruux ay isku baheysteen uguna baaqeen inuu xilka ka dego.

Sanadka iyo bilaha yar ee ka dhiman xilliga dowladda Xasan Sheekh ayaa laga cabsi qabaa inay lugaha la gasho khilaafaad iyo murano siyaasadeed oo waxyeelo ku keena qorshihii hiigsiga cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com