Xog: Shariif Xasan oo faraha kula jira qorshe aan u cuntameynin beelaha dega gobolka SH/HOOSE

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo naga soo gaaraya Wasaarada Arrimaha Gudaha Maamulka Koofur galbeed ee Somalia, ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulkaasi iyo Wasiirka arrimaha gudaha ay isla wadaan qorsho lagu sameynaayo isbedel.

Wararku waxa ay tibaaxayaan in isbedelka xoogiisu uu yahay mid saameyn doono Gudoomiyayaasha Maamulada gobolada iyo kuwa Degmooyinka ee haatan ka taliya Saddexda Gobol ee Sh/hoose, Bay iyo Bakool.

Xogtaani ayaa waxaa laga soo xigtay Cabdiraxmaan Maxamed Ibraahim sate oo ah Wasiirka arrimaha gudaha Maamulkaasi, waxa uuna qorshahaasi hirgalayaa maalmaha nagu soo beegan.

Qorshahaani ayaa waxa uu imaanayaa, iyadoo dhawaan wareegto kasoo baxday Maamulka lagu magacaabay Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca ammniga ee Gobolka Sh/hoose, sidoo kalane Maamul cusub u magacaabay Magaalada Baraawe ee Gobolka Sh/hoose.

Dhanka kale, Madaxweyne Shariif iyo Wasiir Cabdiraxmaan Maxamed, ayaa waxaa horyaalo Liisas dhaadheer oo ay soo gudbiyeen Beelaha dega Gobol ee Sh/hoose, kuwaasi oo doonaayo in si siman loogu qeybiyo xilalka Gobolada iyo Degmooyinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com