XOG: Puntland oo joojisay shirkii GAALKACYO

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa dib u dhigay shir la qorsheynayay inuu ka furmo magaalada Gaalkacyo kaasi oo ay yeelan lahaayeen waxgaradka iyo isimada beelaha maamulka Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, ayaa ku baaqay in muddo maalmo ah dib loo dhigo sabab la xiriirta dhanka amaanka, kadib dilkii Gaalkacyo loogu geystay xildhibaan ka tirsan barlamaanka maamulka Puntland.

Wuxuu sheegay in ciidamada ay sameyn doonaan baaritaano amaanka ah si amaanka loo xaqiijiyo maadaama magaalada ay ku kulmayaan waxgaradka kala duwan oo ka imaanaya deegaanada maamulkaasi.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin C/laahi Cumar Camey sidoo kale ma uusan sheegin mudada shirka dib loo dhigay balse waxaa uu sheegay in sababo ammaan iyo howlgallo Gaalkacyo laga samaynayo dib loogu dhigay , sida ay warsidaha Puntlandone.com u xaqiijiyeen Xubno Golaha Deegaanka ka tirsan.

C/xakiin C/laahi, ayaa hadalkaan ka yeeshay kulan uu la qaatay Xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo oo uu saaka booqasho ugu tagay, waxaana uu sheegay in Sababta Shirka ku qabashadiisa Gaalkacyo dib loogu dhigay ay tahay Dhinaca Ammaanka oo sixid badan u baahan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com