25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Dhageyso: Aabe Afar Caruur ah oo uu dhalay dilay (Dhacdo Naxdin leh)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Baladweyne (Caasimada online)  Cumar Shire Xasan, waan Aabo Soomaaliyeed wuxuu Afar Caruur ah uu dhalay ku dilay Xalay deegaan qiyaastii 25 KM ujira Magalaada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ,waxaana jira warar arintaas kasoo baxaya.

Caruurtan Afarta ah ayaa dhamaantood ahaa Wiilal Waxaana Dhacdadan ay ka dhacday deegaanka Galxamur oo ku dhaw Deegaanka Baardheere ee Gobolka Hiiraan,waxaana latilmaamayaa in Aabahan uu Caruurtiisa ka kexeeyay dhowaan Magaalada Beledweyne.

Cumar Shire, ayaa markii uu falkan geystay isku soodhiibay ciidamada Booliska ah ee magaalada Baladweyne,waxaana uu  u sheegay sida latilmaamay inuu dilay caruur uu isagu dhalay oo gaaraya afar, taas oo keentay in deegaanka falka uu kadhacay loodiro ciidamo arintan soobaara.

Qadro Xuseen Maxamed , oo ah hooyada dhashay caruurta oo ku sugan Muqdihso waxay sheegtay inay kanaxday arintan markii loosheegay balse amarka Ilaaheey aan laga weyneyn waxa dhacayna ay yihiin wax xag rabi ka qornaa inkastoo ay ilmeyneysay xilliga ay wareysiga bixineysay.

Waxay sheegtay in ninkan ay kalatageen caruurtana ay uga soor tagtay gabar isaga walaal la aheyd oo caruurta Eedo u aheyd Balse uu kakexeystay arintaana uu waxka ogaa isaga walaalkii, kadib markii ay kawar heleen inay dooneyso in caruurteeda  soo aragto sidaay sheegtay .

Ciidamada booliska gobolka Hiiraan ayaa wada baaritaano arintaan ku aadan waxaana jira warar sheegaya in Aabaha caruurtan dilay uusan waalneyn sida ay kadhawaajisay Qadro Xuseen hooyada dhashay caruurta.

Maamulka iyo saraakiisha gobolka gaar ahaan kuwa Baladweyne wali kama aysan hadlin arintan .

Halkaan hoose ka dhageyso Codka Maama Qadro Xuseen

Qadra Xuseen Maxamed

Caasimada online

Xafiiska Baladweyne

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News