Dhagayso: Ethiopia, QM, DF iyo Jubba oo ka hadlay arrinta Barre Hiiraale

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose Todobaadkaan waxaa ka dhacay Munaasabad ballaaran oo lagu caleema saarayay madaxda sare ee Jubba, waxaana kasoo qayb galay xubno ka socday beesha Caalamka, Qaramada Midoobey, iyo Dowladda Soomaaliya kuwaasoo mudadii ay kismaayo ku sugnaayeen Kulamo kala duwan la qaatay Hogaanka maamulka KMG ah.

Arimaha ay ka wada hadleen dhinacyadaasi Kismaayo iskugu tagay ayaa waxaa kamid ahaa dhamaystirka Heshiiyadii lagu gaaray magaalooyinka Addis Ababa iyo Muqdisho kuwaasoo ay ku kala saxiixdeen qodobo dhowr ah dhinacyadii Khilaafaadka Jubbooyinka oo garwadeena ka ahaayeen dowladda Soomaaliya iyo Ethiopia.

Siyaasiga Cabdi Barre oo kamid ahaa Xildhibaanadii hore ee baarlamankii KMG ahaa imikana ku sugan degmada Kismaayo, ayaaa sheegay arinta Ciidanka Col Barre Hiiraale ee ku sugan duleedka Kismaayo isla soo qaaday isla markaana laga dooday qaabka ugu haboon ee si wadajir ah Ciidamadaasi loogu soo xarayn karo.

Wuxuu sheegay Cabdi Barre in la sameeyay gudi ka kooban Afar dhinac oo iskugu Jira, Jubba, Dowladda Soomaaliya, Qaramada Midoobay, AMISOM, iyo Ethiopia kuwaasoo loo xil saaray arimaha soo xaraynta Ciidamadda.

Dhanka kale wuxuu ka hadlay arimo ku saabsan xaaladaha Jubbooyinka iyo wasiirada cusub ee dhawaan la ansixiyay ee Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Dhinacyadii horay heshiiska Muqdisho ugala gaaray Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa dhawaan ka dalbaday dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay in la dhaqan galiyo heshiisyadii lagu gaaray Addis Ababa iyo Muqdisho dhammaadkii sanadkii tagay ee 2013.

Hakan ka dhageyso wareysiga

cabdi barre

Isha: Kismaayo24.net