Baarlamaanka Soomaaliya iyo kaashka madaxtooyada (Imisa ayaa ku baxday 7-dii fadhi ee ugu muhiimsanaa BFS?)

Sida caadada u ah Baarlamaanada caalamka oo dhan waa iney ka tarjumaan rabitaanka dadka sidii la doonaba ha ku yimaadeene. Baarlamaankeena Somalia waxaa uu soo maray maraaxil, mar waxay nooga yimaadeen xerada eldorate-ee Kenya, mar kalane waxaa lagu soo laba jibaaray Jabuuti, intuba waan aragnay seey ahaayeen .

Baarlamaanka maanta.

Dhamaadkii 2012 waxaa Muqdisho lagu dhisay Baarlamaan la yiri waa mid rasmiya waxaana mar labaad soo galay kuwii hore, laakiin waxaa Kale oo soo galay xubno macquul ah haba u badnaadeen Soomaali qaxooti joog ah oo qurbaha ku soo lacag beeshay, kadib markii wadamada reer galbeedku miisaaniyadoodii is dhimtay .

Waxaa kaloo Baarlamaanka soo galay ganacsato iyo masuuliyiin magaalada wax ka ah oo ay dhibtay eryashada PS ta dawlada, waxayna hoos galeen Baarlamaanka si aan loogu soo dhicin.

Danta shacabka iyo Baarlamaanka.

Baarlamaanka Somalia intooda badan uma muuqato danta shacabka. Shacabka waxayna ka door bidaan tooda gaarka ah. Tusaale Baarlamaanda dunida waxay dhagaystaan guuxa shacabka kadibna waxay u bedelaan cod golaha shacabka, lakiin Baarlamaan keena guuxeena ma maqlo laakiin wuxuu maqlaa shanqarta $dollar-ka$ .

Waa sidee Xildhibaanada BF

Dadku isku ma wada jiraan. Waxaa Baarlamaanka ku jira waa dad fiican iyo isbaarooley iyo laaluush ku nool.
100 iyo dhowr iyo 30 waa Xildhibaanadii hore ee ku shubo lacag ah.

50 Xildhibaan ku dhawaad waa ganacsato iwm.

100 xidhibaan ku dhawaad waa qaxooti joog qurbaha ka soo hayaamay.

Qiyaastaas hadaan raacno waxaa kuu soo baxaysa 25 Xildhibaan wax ka yar in la oran karo waa dad madaxbanaan.

Lakiin waa su’aale far kaliya fool ma dhaqdaa? Waa maye ku darso xisaabta in ku dhawaad 60 Xildhibaan oo u badan qaxooti joog iyo ganacsato aysan soo xaadirin fadhiyada Baarlamaanka ee xasaadiga, halka kooxda isbaarooley ay xaadir ku yihiin golaha shacabka .

Waa su’aale yaa wax diida marka waxaa wax diida waa in yar oo Qaxooti jooga iyo ganacsatada inta ka joogta ah iyo qayb ka tirsan kooxdii isbaarooley oo markaa wax quursatay.

Laaluushka Villa Somalia.

Waxaa laaluushka madaxtooyada ka soo dalaalo xubno ka tirsan Baarlamaanka ku waas oo u dhexeeys Madaxweynaha iyo Xildhibaanada. Waxaa jira Xildhibaano tiro dhaaf ah oo ku xisaabtamo mooshinada BF kuwaas oo lacag macquula ka sameeyay doorashadii ilaa iyo hadda oo ah muddo sanad ah.

Fadhiyadii BF (2012-2014). Kuwa xasaasiga ama kuwa lagu helo cash($)

-Doorashadii Madaxweynaha
-Ansixintii Saacid
-Ansixintii Golahii Wasiirada Saacid
-Mooshinkii Saacid lagu riday
-Ansixitii C/Weli
-Mooshinkii wasiirada xukuumadii hore
-Ansixintii Xukuumadii C/Weli

7 fadhi oo ca$h ah, kiiba waxaa lagu qiyaasaa codkiiba 10,000$ iyo kabadan lakiin kaba soo qaad 5,000$.

5,000$ × 7 = 35,000$ waa meesha ugu hooseyso markaan ka soo qaadno, sanad iyo bilo = 35,000$ ninka iska diidaayo waa ruux wadaniyad iyo alle ka cabsi leh.

Madaxweyne iyo laaluush bixin.

Madaxweyne waxaa loo doortaa inuu la yimaado qorshe horumarineed si loo gaaro baraaro iyo barwaaqo loogana nasto dhibta sharciga islaamkana waxaa ku cad in imaamka ama madaxweynaha uu yahay fuliyaha sharciga kana shaqeeyo maslaxada bulshada kana qabto fidnada iyo isdaba mareynta.

Laaluushku wuxuu ka mid yahay waxyaabaha nebigeenu NNK uu lacnaday bixiyaha iyo qaatahaba. Sidee ku dhacdaa inuu Madaxweyne bixiyo laaluush? Haduusan bixin muxuu ula kulmaa Xildhibaanada beel beel ayagoo ah xiliga mooshinka.

Laaluushku iyo koboca dalka.

laaluushku wuxuu cunuha jaraa horumarka dalka. Tusaale 35,000$ haduu qaatay hal Xildhibaan muddo sanad ah ku dhifo ugu yaraan 100 Xildhibaan 35,000$ × 100 = 3,500,000$ ka warama!!. lacagtaas waxaa lagu furi karaa 20 school iyo 10 isbitaal iyo 17 km oo wado laami ah Iyo howlo kale. Lacgtuna intaas aad ayey uga badan tahay qiyaastan waa mid aad uga yar laaluushka ka socda dalka.

W/Q: Cabdirashid Abdullahi

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriirna ahna lama lahan tan Caasimada Online