Innaga & Adduunka (Isku eeg Somalia iyo 7-dan dal, adigaa yaabi doonee!)

Reerkoodu waxey leeyihiin 500 oo geel ah, asaguna carab ayuu 5 geel ah u raacaa! 

Nin Somali ah oo reerkoodu leeyihiin 500 oo geel ah ayaa ushaqeeya nin Saudi ah oo leh 5 geel ah. 5-taas geela ah ayuu u raacaa. Somalia dhaqaale weyn oo la horumarin karo ayey leedahey haddii nabad iyo daacadnimo loo helo. Haddii kale, Somalidu waxey ku danbeyneysaa iney u shaqeeyaan umado kale oo ay ka dhaqaale fiican yihiin.

Maanta Somalidu waxey ka shaqeysataa South Africa, Mozambique, Angola, Kenya, Uganda, Zambia iyo dalal kale oo badan oo aad u liita sida South Sudan.

Usbuucii hore waxaan ka qeyb galey shir ka dhacey ISTANBUL, Turkey oo lagu dhisayey shirkad dhaqaale galineysaa dalka QUBRUS (Cyprus) dhanka Turkiga raacsan. Shirarka noocaan oo kale ah waxaa isugu yimaada dad dhaqaale xoog leh heysta oo raadinaya fursado iyo dalal ay dhaqaale gashadaan. Mar walbana waxaa la iweydiiyaa “Somalia dhaqaale mala gashan karaa?”.
Waxaan la yaabaa barwaaqada ay Somalia heysato iyo sida ay gaajada u tahey. Haddaan tusaale ka bixiyo:
1) Turkish Republic of Northern Cyprus (waa Cyprus qeybta dadka Turkeyga ah degen yihiin):

– Tirada dadkoodu waa 300,000 oo qof (saddex boqol oo kun oo qof oo kaliya)
– Dhulkoodu waa 3,355 Kilometer oo square ah
– GNP per Capita US$15,000 (Shan iyo toban kun oo dollar) – waa marka dadka oo dhan loo qeybsho dhaqaalaha dalka soo gala.
– Waxaa ku taal 8 jaamicadood oo caalami ah; waxaana dhigta 55,000 oo ardey oo 90% ay AJNABI yihiin.

Dadka ku nool Cyprus dhanka Turkiga raacsan oo dhan wey ka yaryihiin hal magaalo oo Somalia ah, Sida Xamar, Hargeysa, Bosaso, Kismayo,Galkayo, Burco, Baidhoba iyo magaalooyin kale oo badan. Yacni halmagaalo oo Somalia ah ayaa ka dad badan Cyprus oo dhan.

Shirkaas waxey ka heleen dhaqaale aad u badan oo wax weyn ay uga qaban karaan horumarinta dalkooda iyo dadkooda, khaas ahaan dhanka waxbarashada, Tourismka iyo beeraha. Waxey ahaayeen dad daacadnimo ka muuqato oo dalkooda iyo dadkooda horumar u raadinayey, weyna ku guuleysteen.

2) Uganda: Sida la og-yahey Uganda bad ma leh. Waxeyse leedahey hal haro weyn (lake victoria). Kalluunka laga dhoofsho haradaas halkii sano wuxuu kor u dhaafey US$136 million.

Somalia oo leh xeeb dheer oo Indian ocean iyo Red Sea ka kooban, maxey dhoofisaa??? Maxeyse awood u leedahey iney dhoofiso. Waxaa hubaal ah hadii kalluunka kaliya si fiican ooga shaqeeyo inuu wax weyn ka bedeli karo dhaqalaha Somalia oo dhan. Sidee arrintaan wax looga qaban karaa?

Waxaa sidaas la mid ah BEERAHA. Inteysan burburin dawladii Somalia 1991, Somalia waxaa ku taaley beerta adduunka ugu weyn ee MOOSKA lagu beero. Qof kasta oo ajnabi ah oo aan la kulmo, su’aasha ugu horeysa oo uu iweydiiyo waa mooskii Somalia ka waran????

1996-dii ariga soo galey Saudi Arabia 50% wuxuu ka yimid Somalia; geela wuxuu ahaa 90%. Maantana wax yar oo aan micne laheyn ayaa soo gala! Beeyada waa dhaqaale kale oo muhiim ah waayo waxey gashaa daawada, perfumeska iyo xalwiyaatka oo dhamaan aad iyo aad loogu baahan yahey.

3) VIETNAM: Vietnam waxaa ka dhacey dagaalkii ugu xumaa ee taariikhda adduunka. Maanta Vietnam waxey ka mid tahey dawladaha ugu dhaqaalaha fiican adduunka uguna horumarka dheereeya khaas ahaan xaga wax-soo-saarka.Xawliga ay ku socoto Vietnam waa mid baqdin galiyey dawladaha waaweyn sida China, waayo Vietnam waxey soo saartaa alaab quality aad u fiican oo haddana aad raqiis u ah. Vietnam waxey isku rogtey goob dhaqaalaha adduunka heer sare kaga jirta halka ay dhawaan ka aheyd goob dagaalka adduunka ugu khasaaraha badan ka dhacey

4) Angola: Dagaal sokeeyey oo ka xun kan Somalia ayaa ka dhacey Angola. Maanta Angola waxey leedahey dhaqaalaha adduunka ugu koriinka badan. Maxey tahey sababtu: Markey muddo dagaal sokeeye ku jireen ayaa waxaa usoo baxdey iney nabadda iyo wada noolaanshaha ku gaari karaan horumar.

5) Congo Kinshaha: Congo waa dalalka adduunka ugu kheyraadka badan laakiin dagaala sokeeye ayaa ka dhammaan waayey. Sidaas darteedna waxey noqotey meel GAAJADA iyo FAQRIGA tusaale looga soo qaato. Walina dagaalkii sokeeye waa ka socdaa…

6) Libya vs Tunis: Libya oo ka mid dalalka Petrolka leh, geyskana ku heysa Europe oo la rabey iney noqoto dawladaha adduunka ugu horeeya dhan kasta, waxaa aad iyo aad uga horeeya Tunis oo aan wax dhaqaale ah laheyn.

7) Algeria vs Morocco: Algeria waxey dhoofisaa petrol badan iyo macaadin. Waa dal barwaaqo ah xagga beeraha, roobka iyo badaba. Morocco oo aan intaas oo dhan aan laheyn ayaa ka horumar fiican.

Waxaas oo dhan waxey kuu tilmaamayaan hal arrin ah: Haddii madaxda dalku daacad tahey oo ay ka shaqeyneyso horumarka dalkooda, waxey heli karaan fursado badan oo dalka iyo dadka lagu horumarin karo. Hadiise aysan madaxdu daacad aheyn, dib ayaa loo noqon oo horumar lama helayo.

Somalia waxey leedahey beero, kalluun, xoolo, beeyo, petrol iyo nicmooyin kale oo ILAAHEY ku manneystey. Sidee looga faa’ideysan karaa nicmadas ILAAHEY na siiyey???

W/Q: Axmed Biixi
ahmedalibihi@yahoo.com