Geesiyaashii 77 oo ayaandaro iyo ciil ku qeexay in Ethiopia ku biirto Amisom

Muqdisho (Caasimada Online) Ciidamada Naafada Xoogga dalka Soomaaliya ka hadlay sidda ay u arkaan ciidamada Ethiopia in loo sharciyeeyo in ay ka mid noqdaan howgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Afhayeenka ciidamada naafada xoogga, Cabdi Mahad Cali oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ayaan daro ay tahay ciidamada Ethiopia oo la ogyahay cadaawada kala dhexeesa Soomaalida in loo sharciyeeyo in ay soo galaan dalka Soomaaliya.

Wuxuu ku tilmaamay in arrintaas ay sharraf iyo taarikh ay u noqon doonto dowladda Ethiopia maadama ciidankeeda siddii ay rabaan ugu socon karaan gayiga Soomaaliya.

Afhayeenka ayaa sidoo kale tilmaamay in dhaqaale badan ay ku heli doonto Ethiopia howgalka AMISOM maadama ciidamo ay joogaan dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn Cabdi Mahad Cali ayaa carabka ku adkeeyay in maalin madow ay u tahay ciidanka naafada xoogga Soomaaliyeed oo ku curyaamay dagaalkii ay la galeen dowladda Ethiopia sannadkii 1977-dii.

Ciidamada Ethiopia ayaa labo maalin ka hor waxaa si rasmi ah loo shaaciyay in ay ug amid noqdeen howgalka Midowga Afrika ee AMISOM kaasoo taageero ka helaya Qaramada Midoobay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com