Munaasabadda Caleema saarka Cabdi Weli Gaas oo Garoowe ka billaabatay

Garoowe (Caasimada Online) Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, waxaa ka billaabatay xafladda caleema saarka madaxweynaha cusub ee Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Magaalada waxaa ku sugan wafuud caalami ah, iyo wakiilo ka socda maamul gobaleedyada ka dhisan dalka sidoo kale waxaa la filayaa in magaalada ay gaaraan wafdi ka socda dowladda Soomaaliya, waxaana hoggaaminaya guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari.

Xafladda waxaa ka qeybgalaya wakiillo ka socda Midowga Yurub, Qaramada Midoobay, madax ka socota dalalka Jabuuti iyo Itoobiya, maamul-goboleedyada Soomaaliya, ururada bulshada  iyo marti sharaf kale.

Sidoo kale waxa ay wararka sheegayaan in wafdiga dowladda dhexe uu ka mid yahay ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed iyo xubno ka mid ah wasiiradiisa cusub, balse wararkaas ilaa hadda ma cadda.

Dhinaca kale, waxaa xarunta PPRC ee Garoowe hadda kulan ku leh madaxweynayaashii horre ee Puntland iyo madaxweynaha cusub, waxaana looga hadlayaa kulanka siddii xiriirka Puntland loo xoojin lahaa labada dhinac.

Xafladda waxaa lagu wadaa inay socoto ilaa caawa.

Faah-Faahin kala soco Caasimada Online