Maxaa ka jirra dad Soomaali ah in lagu xiray waddanka Malaawi?

Lilongwe (Caasimada Online) Guddoomiyaha Jaaliyada Soomaalida ee dalka Malaawi ayaa beeniyay in qoxooti Soomaali ah lagu xiray magaalada Kasungu oo 100 kilomitir u jirta magaalada caasimadda ah ee Lilongwe.

Isagoo la hadlaayay BBC-da ayuu sheegay in dadka la qabtay ay yihiin Ethiopian kuwaasoo sita baasaboorka Soomaalida.

“Ma jirto Soomaali lagu xiray dalka Malaawi, waxaana ugu dambeesay bishii lixaad sannadkii 2006-dii wixii xilligaas ka dambeeyay ma jirin Soomaali lagu xiray dalkan” ayuu yiri Cabduqaadir Maxamuud Suleeymaan.

Mar la weydiiyay in Soomaali qoxooti ah ay ku nool yihiin dalkaas, wuxuu tilmaamay in ay jiraan Soomaali badan oo ku nool dalkaas kuwaasoo qoxooti ahaan ugu nool xeryo.

Si kastaba, hadalka guddoomiyaha jaaliyada Soomaaalida, ayaa yimid kaddib markii Afhayeen u hadlay booliska oo lagu magacaabo Edwin Kaunda, uu shegeay 91 qof oo Soomaali tahriibayaal ah in lagu qabtay magaalo ku dhow xadka.

Wuxuu kaloo sheegay afhayeenka in dadkaasi ay da’dooda u dhaxeyso 18 ilaa 19 laguna qabtay keynta Lisasadzi iyaga oo nasiino ku jiray.

Inta badan Soomaalida lagu qabto dalka Malaawi ayaa u socda waddanka Koonfur Afrika, halkaasoo ay ka raadsadaan nolal dhaanta tii ay ka soo tageen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com