Dhageyso: Baarlamaanka oo ka hor yimid shirkii dowladda federaalka iyo gobollada ee Muqdisho

Muqdisho: (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu dhamaaday shirkii wadatashiga ee doorashooyinka sanadka 2016 ee dhexmaray Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada ku meel gaarka ah, ayaa waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo Siyaasiyiinta daneeya arrimaha Soomaaliya.

Waxaa dadku isku mowqif kawada noqdeen in qorshaha siyaasadeed ee ku wajahan doorashada Soomaaliya lagu wado in aay ka dhacdo sanadka danbe 2016, oo aay si wadajir ah u wadaan madaxa qaramada midoobey ee Soomaaliya Danjire Nicholas Kay iyo Dowladda Federaalka ah uu halis ku yahay in Soomaaliya aay mar kale ka dhacaan dagaallo sokeeye.

Haddaba, wareeysi uu bixiyay Xil. Cabdirahman Xoosh Jibriil ayuu arrintan si qayaxan uga hadlay, isagoo ugu baaqay dhammaan beesha caalamka iyo dalalka deeq bixiyayaasha ah in aanay maal gelin dagaal sokeeye oo mar labaad ka dhaca Soomaaliya, isagoo taas ku macneeyay in Nicholas Kay iyo Xasan Sheekh aay wataan mashruuc oo aanay wadan maslaxad Soomaaliyeed oo keeni karta degenaansho. Waxaa uu aad uga digay in dhiigga shacabka aanan laysku xalaaleyn marnaba.

Halkan hoose ka dhegeyso wareysiga