Warbixintii GURMAD oo walaacisay Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka GURMAD, ayaa dhowaan soo saaray warbixin muhiim ah oo ku saabsan hiigsiga 2016 iyo sida loo wajahi lahaa doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan waqtigaas iyo jiheynta mustaqbalka dalka.

Bayaanka GURMAD oo aad u dheeraa, waxa uu nuxurkiisa ugu muhiimsan uu soo geba geebeyey inay adag tahay in dalka Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho “Qof iyo Cod” ah sanadka 2016, ayada oo la eegayo duruufaha dalka jira, waxayna sidaa darteed soo jeediyeen tallooyin muhiim ah oo beddel u noqon kara arrintaas.

GURMAD waxa ay ku talisay in baarlamanka hadda jira, inkasta oo ay dhaliishooda lee yihiin, waqtiga loo kordhiyo, si ay ayaga usoo doortaan hogaamiyayaasha xiga ee dalka hormuudka u noqon doona. Ayidaadda baarlamanka hadda jira, waxay GURMAD u aragtaa laba dooran mid dooro, waayo baarlamanka hadda jira waxa ay qudhooda ku guuldarreysteen inay ku shaqeeyaan dastuurka dalka, ayna dejiyaan nidaamka dhismaha maamul goboleedyada dalka.

GURMAD waxa ay aad u dhaliileen IGAD iyo UN-ka oo ay ku eedeeyn inay majaxaabiyeen hanaankii siyaasadda dalka ayna god mugdi ah usii jiidayaan mustaqbalka dadka iyo dadlka Soomaaliya. Waxayna aad uga digeen in dalka mar labaad loo horseed hannaan keeni kara dagaal sokeeye oo mar kale dalka ka dhaca.

Wararkii ugu dambeeyey ee Villa Somalia naga soo gaaraya ayaa sheegaya in warbixinta GURMAD ay walaacisay madaxweyne Xasan Sheekh, oo lacag uruursi ugu jira doorashada 2016, iyo ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid, oo weli xukuumaddiisa ay laba tallaabo isku xijin la’dahay.

“Waxaa jira baaqyo caalamka ka imanaya oo ku dhacaya Villa Somalia, kuna aadan in hannaanka iyo aragtida GURMAD ay tahay mid macquul ah, ayna tahay in dowladda ay dhegaha u raariciso” ayuu yiri qof xog-ogaal ah oo ku sugan madaxtooyada, oo la hadlay weriyaha Caasimada Online ee Muqdisho.

“Waxaa si cad madaxda loogu sheegay inay meel uga soo tagaan riyada ah inay sameeyeen wax kasta oo buuq gelin kara hannaanka 2016” ayuu yiri il-wareedka Caasimada Online ee ku sugan Villa Somalia, oo aan la magacaabin sababo amni dartood.

Si kastaba, walaaca Villa Somalia waxaan la qabin shacabka iyo aqoonyahannada Soomaaliyeed oo si aad ah ugu riyaaqay aragtida GURMAD ee hiigsiga 2016.

GURMAD ma aysan soo bandhigin aragti kaliya, ee waxa ay soo bandhigeen aragti qayaxan, cad islamarkaana lagu salleeyey cilmi-baaris fog, oo marka aad aragto aad dareemeyso inaysan wax mugdi ah ku jirin” Waxaa sidaas yiri Maxamed Axmed oo ah aqoonyahan jooga Muqdisho.

“Marka aan aqriyey warbixintii GURMAD waxa kaliya ee igu soo dhacay waxa ay ahaayeen sababta dadka noocaas oo kale ah aysan dalka u hoggaamin, aad ayaan uga helay aragtidooda” ayuu yiri Cabdiraxmaan Xasan oo ka mid ah shacabka Muqdisho.

Dadka Muqdisho, ayaa ku baaqaya in fiiro gaar ah loo yeesho aragtida GURMAD, laguna dabaqo aayaha Soomaaliya ee 2016. Si kastaba, waxaan weli caddeyn sababta talooyinka wanaagsan ay walaaca ugu abuureen Villa Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com