Sawirro + Magacyo: Soomaali ka mid ah xujeydii ku dhimatay isbuurashadii ka dhacday XAJKA.!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiisha Caafimaadka dalka Sacuudiga ayaa shaaciyay in dadkii ku dhintay isbuurashadii ka dhacday Xajka ay kamid ahaayen Muwaadiniin Soomaali ah.

Saraakiishu waxa ay sheegen in ilaa iyo hadda ay heleen meydka 2 Muwaadiniin Soomaali ah oo sababsaday isbuurashada, waxa ayna tilmaamen in Ehelada Labadaasi ruux ay kuwar galiyeen geerida.

Labadan Ruux ee ka soo jeeday Dalka Soomaaliya kuna dhintay musiibadii ka dhacday Xaafada Mina ee Magaalada Makka ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Hindi Maxamuud Aw-Cali iyo Asli Xuseen Cali.

Xujeyda Soomaalida ee halkaasi ku sugan ayaa sheegtay in haweeneyda lagu magacaabo Hindi Maxamuud Aw-Cali ay heysatay Baasboor Kanadiyaan ah halka Asli Xuseen Cali lagu sheegay inay ka tagtay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia.

Labadan Haween ayaa ka mid ahaa 717 Ruux ee ku dhimatay Mina oo qiyaastii 5km u jirta Magaalada barakaysan ee Makka kadib markii Xujeyda ay buurteen ama is jiireen.

Warar kaasi ka duwan ayaa sheegaya in Dhimashada Xujeyda Soomaalida ay gaareyso ilaa 7 Ruux oo iyagu ku baxay Isbuurashada, sida ay xaqiijisay VOA laanteeda Afka Soomaaliga.

Xujeyda ku dhaawacantay shilkan, ayaa waxaa loo kala qaaday illaa 15 isbitaalo, si wax looga qabto xaaladooda caafimaadeed. Dadka qaarkood waxaa soo gaaray dhaawacyo halis ah.

Shilkan, ayaa dhacay markii dad u socday dhagaxtuurka iyo dad kaloo ka yimid ay hal wado ku wada kulmeen, iyadoona ay is dhex qaadeen dadka oo laba jiho ku kala socday.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
x1

x2

x3

x4

x5

x6

x7

x8

x9

x10

x11

x12

x13

x14

x15

x16