Arag Sawirrada: Sidee ayey u dhacday dhaarintii taliyaha cusub ee ciidamada xoogga Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goobjoog ka ahaa goobtii lagu dhaarinayey Taliyaha Cusub ee Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

S/Gaas Maxamed Aadan Axmed iyo Abaanduulaha Cusub ee Ciidammada Xoogga Dalka, S/Guuto Cali Baashi Maxamed Xaaji Cumar.

Xafladda dhaarinta oo ka dhacdey xarunta Madaxtooyada, ayaa Madaxweynaha waxa uu hadal kooban ka jeediyay goobta, iyadoo uu kula dardaarmey madaxda cusub ee ciidammada inay meesha ka sii wadaan guulaha iyo horumarka uu ciidanka sameeyay muddadii ay xilka hayeen madaxdii ka horeysey.

Xafladda lagu dhaarinayay Taliyaha Cusub ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Somalia Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, xubno kale oo ka tirsan golaha wasiirrada.
1

2

3

4

5