Puntland oo heshiis qarsoodi SHIDAAL baaris ah la gashay shirkad Mareykan ah (DFS oon ogeyn)

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa sheegay in xeebihiisa laga bilaabay sahmin shidaal iyadoo maamulkaasi uu heshiis ogolaansho siinayo shirkadaha shidaalka baara sida uu sheegay madaxa hay’adda Macdanta iyo Batroolka u qaabilsan Puntland Ciise Faarax Dhalowaa.

Puntland ayaa ruqsad shidaal baaris ah siisay Bishan September shirkadda ION Geophysical Corp., oo xarunteedu tahay magaalada Houston, Gobolka Texas, ee dalka Mareykanka, waxayna shirkaddu bilaabi doontaa sahmin.

Arrintan ayaa soo baxday iyadoo Puntland ku doodeyso inay xaq u leedahay inay heshiisyo shidaal baaris iskeed ula gasho shirkadaha ajnabiga ah, iyadoo taasi ka soo horjeedo awoodeeda xadgudubna ku ah dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Qaramada Midoobay ayaa hore uga digtay sanadki hore in baarista shidaalka ee degaanada Puntland iyo Somaliland ay kicinayaan xiisado colaadeed iyo xiisad labadaas maamul ka dhex jirta ee dhinaca dhulka ay isku heystaan.

Shirkadan cusub ee Puntland heshiiska la saxiixatay ayaa ayaa sheegtay in ay ruqsada u heysato 25 Block oo ku fadhiya masaaxad dhan 180,000 square kilometers (69,500 square miles), 7 block oo ka mida waa Badda cad, halka 18-ka kale ay dhacaan Badweynta India.

Dowladda federaalka Soomaaliya, kama war-hayso heshiiskan cusub, welina wax war ah kama aysan soo saarin.

Source: Bloomberg