SIDIKOU oo ka hadlay arrin maalmihii dambe ay dowladda federaalka SOOMAALIYA qarsaneysay

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo muddooyinkaani ay DF Somalia la liiceysay Siyaasad xumi ka heysata dhanka Beesha Caalamka ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Madaxa Ciidanka AMISOM ahna Wakiilka Ururka Midowga Afrika ee Somalia Maman Sidikou.

Sidikou, ayaa sheegay in Somalia ay xiligaani u baahantahay in lala garab galo dhan waliba, waxa uuna Beesha Caalamka ugu baaqay inay garabsiiso.

Maman Sidikou waxa uu sheegay in dhamaan Dowladaha taakuleeya Somalia ay sara u qaadan taageerida ay la garabtaagan yihiin Somalia, waxa uuna carab dhaway in Somalia iminka ay kasii bogsaneyso dhaawacyadii kasoo gaaray burburka.

Maman Sidikou inta uu hadalkiisa ku guda jiray ayaa waxa uu soo hadalqaaday rajada wanaagsan ee iminka ka jirta Somalia inay ku timid taageerada ay Beesha Caalamka ku bixinayso Somalia, islamarkaana uu soo jeedinayo in la xoojiyo.

Wuxuu farmuuqay in Somalia ay iminka ka dhismeyso dhinacyada Siyaasada, Dhaqaalaha, kaliyana ay hadda u baahan tahay walaalaha Caalamka, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in 100% uu aaminsan yahay in haddii la xoojiyo dadaalada lagu bixinayo Somalia inay hagaagi doonto ammaanka Mustaqbalka Somalia, ammaanka iminka jirana lagu gaaray dadaalada Beesha Caalamka iyo midda Midowga Afrika.

Haddalka Maman Sidikou ayaa imaanaya iyadoo Beesha Caalamka ay ka gaabisay xiriirkii kala dhexeeyay Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com