Dhageyso: Bankiga Dhexe oo shaaciyey sababta shatiyo loo siiyey bankiyo caalami ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyey tallaabadii ay Soomaaliya markii ugu horraysay shatiyo ku siisay laba banki oo laga leeyahay dibedda.

Labada Banki ayaa lagu kala magacaabaa Banque Misr oo laga leeyahay dalka Masar iyo Ziraat Katilim oo laga leeyahay dalka Turkiga

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo waraysi siiyey idaacadda VOA ayaa sheegay in labadan banki ay kasoo baxeen shuruudihii bankiga dhexe, isla markaana ay bixin doonaan adeegyada bankiyada ee shirkadaha.

“Waqti dheer ayey qaadatay howshaan, maadaama ay tahay markii ugu horeysay oo banki caalami ah loo ogolaanayey inuu dalka ka shaqeeya waxaa marka hore diyaarinay xeerkii lagu hagi lahaa, kadib waxaan u dirnay shuruudaha laga rabo wayna soo buuxiyeen runtii,” ayuu yiri guddoomiye Cabdiraxmaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in markii ugu horeysay oo ay bankiyadaan soo dalbadaan aqoonsiga uu bandhiga dhexe dalka kusoo rogay xayiraad ku saabsan inaan la diwaan gelin karin bankiyo dibadda laga leeyahay, isagoo taas sabab uga dhigay in waqtigaas la diiwaan geliyey 13 Banki oo gudaha laga leeyahay kuwaas oo ay aheyd in la siiyo waqti ay ku kobcaan.

Guddoomiyaha oo ka hadlayey adeegyada ay bankiyadaan qaban doonaan ayaa yiri “ Waa Bankiyo waa weyn oo jira oo haddaba shaqeeya waxay doonayaan inay laan ka sameystaan Muqdisho kadibna ay bixiyaan adeeg Banki oo weliba kuwa shirkadaha ah, sanad kasta waxaa la eegi doonaa in Bankiyada ay kasoo baxeyn shuruudihii lagu siiyey Leysinka”

Guddoomiyaha Bankiga dhexe oo wax laga waydiiyey shuruudaha ay bankiyada ku xireen ayaa sheegay inay kamid tahay shuruudaha inay Bankiga dhexe dhigaan lacago Malaayiin ah oo ra’sumaal ah iyo inay ku dhaqmaan shuruucda loo dajiyey oo ay kamid tahay inay leeyihiin xeerar adag oo lagu maamulo, shaqaale xirfad leh iyo qalab casri ah.

Guddoomiyaha Cabdiraxmaan ayaa shacabka Soomaaliyeed u sheegay in bankiyadaan ay yihiin kuwa lagu aamini karo hantida shacabka Soomaaliyeed taasiina ay daliil u tahay in bankiga dhexe uu ku qancay wuxuuna ugu baaqay inay isticmaalaan maadaama uu sheegay in bankiga dhexe ay dhigi doonaan lacag aad u badan oo damaanad ah.

Ugu dambeyntii guddoomiyaha ayaa sheegay in bankiga dhexe uu diyaariyey shaqaale xirfad leh oo kormeer iyo qiimeyn ku sameyn doona marka ay bankiyadaan bilaabaan adeegooda Soomaaliya.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga oo dhameystiran